Home / Arrimaha Bulshada / Khaled al-Drebi: Dib u dayactiraha kutubta qur’aanka kariimka ee duugowda

Khaled al-Drebi: Dib u dayactiraha kutubta qur’aanka kariimka ee duugowda

Himilo – Inta lagu jiro bisha Soon, dunida muslimka waxaa kordha soo xurmeysashada kitaabka Qura’aanka kariimka, Marka laga reebo wadanka Liibiya ee dhaca waqooyiga Africa.

Dalkan waxaa taasi baddelkeeda xoogeysta dhaqdhaqaaqyada dib loogu hagaajinayo kutubta duugowday, maadaama ay meesha ka baxday dowladdii lacagta badan ku bixin jirtay daabacidda kitaabka qur’aanka kariimka.

Khaled al-Drebi, ayaa ka mid yahay farshaxniistayaasha caanka ku ah shaqadan. Si uu ugu adeego macaamiishiisa ayuu bil weliba oo Soon booqdaa caasimadda Tripuli.

Waxa uu inta badan hagaajiyaa kutubta ku daabacay farta waa wayn, kuwaasi oo qiimahoodu uusan qoyn Karin qof kasta marka la joogo Liibiya. Tusaalle halkii kutub ee noocaasi ah waxa lagu xurmeeyaa qiimo ka badan $20.

Marka laga yimaado qiimahaasi sare, dadka qaar ayaa jecleysta inay dib u dayactiraan kitaabka noocaasi ah, maadaama ay kala hareen  qof qiima ku lahaa qoyska oo dhintay, sida Aabe, Awoowe amaba ruux kale.

Marka aan dib ugu laabano qolalka ay shaqada ka socoto, halkii kitaab hagaajintiisu waxey qaadataa muddo ka badan Saacad, sida uu sheegay Abdel Razzaq al-Aroussi oo ka mid ah dadka ka howlgala goobaha dib loogu hagaajinayo kitaabka qur’aanka kariimka.

Mabrouk al-Amin, oo kormeera ka ah howlahan ayaa sheegay in shaqadan ay u baahan tahay qof yaqaan qur’aanka kariimka, ayna tahay mid leh firfircooni oo aanan marnaba lagu caajisin.

Khaled al-Drebi, marka laga soo tago inuu shaqadan uu ku qabto si bilaash, sidoo kale waxa uu tababaro gaagaaban u qabtaa jiilka ka yar, si xirfadiisa ay muddo ugu intifaacsadaan bulshada Liibiya.

Ardaydiisa waxaa ka mid ah gabdho xirfadda jecel sida Khadiija Mahmuud oo 45km usoo safarta, si ay usoo gaarto xarunta tababarada ee ustaad Khaled al-Drebi.

 

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan