Himilo-Shidaalka waa khayraad dabiici ah oo qiimo leh, haddii si habboon loo maamulo, wuxuu gacan ka geysan karaa horumarka dhaqaale iyo xasiloonida bulshada. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay la kulmi kartaa caqabado waaweyn haddii nidaamka maamulidda shidaalka uusan hufnaan iyo cadaalad ku salaysnaan. Markabka Turkiga ee dhawaan Soomaaliya yimid si uu shidaal u soo saaro wuxuu rajo galiye shacabka Soomaaliyeed, hase yeeshee waxaa jira cabsi laga qabo in shidaalkan, haddii aan loo maamulin si hufan, uu abuuri karo colaado iyo caqabado la mid ah kuwa soo wajahay dalalka shidaalka ka soo saara balse dadkoodu ay wili ka baahanyihiin sida Nigeria, Venezuela, iyo Angola. Warbixintan waxay iftiimin doontaa dhibaatooyinka ka dhalan kara maamul-xumadda iyo musuqmaasuqa, iyadoo tusaalooyin laga qaadanayo dalalka aan kor ku xusnay.
- Colaado iyo Khilaafaad Siyaasadeed
Haddii maamulidda shidaalka aan loo dajinin nidaam cad oo loo siman yahay, waxay keeni kartaa dagaallo siyaasadeed oo ka dhex dhasha bulshada Soomaaliyeed. Nigeria, tusaale ahaan, Gobolka Niger Delta wuxuu noqday goob colaad iyo rabshado joogto ah ay ka dhacaan kuwaa oo u dhexeeya qabiilo iyo kooxo hubaysan. Kooxaha hubaysan waxay u arkeen nidaamka maamulidda shidaalka mid aan caddaalad ahayn oo lagu dulmiyay deegaannadooda, taasoo keentay dagaallo iyo xasilooni-darro. Sidaas oo kale, haddii Soomaaliya aan loo sameyn nidaamyo damaanad qaadaya in dakhliga shidaalka si siman loo qaybiyo, waxaa dhici karta in qabiilada iyo dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya ay isku dhacaan, taas oo khatar ku noqon karta xasiloonida qaranka.
- Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo Baahsan
Musuqmaasuqa baahsan ayaa caadi ahaan dhibaato ku noqda dalalka hodanka ku ah shidaalka haddii aan nidaam adag loo sameyn. Tusaale ahaan, Venezuela waa dal shidaalka ka hodan ah, balse shacabka dalkaas waxay la tacaalaan saboolnimo iyo cunto yari. Maamul-xumada iyo musuqmaasuqa ayaa noqday caqabado ku gadaaman nidaamka shidaalka, waxaana shidaalka gacanta ku haya dad yar oo xukuumadda taageersan. Dalku wuxuu wajahayaa xaalad dhaqaale oo liidata iyo cadaalad darro haysata bulshada inteeda kale. Taas waxaa sabab u ah maamul-xumo iyo musuqmaasuq. Soomaaliya waxay u baahan tahay nidaam cad oo lagu xadidayo musuqmaasuqa si loo xaqiijiyo in dakhliyada laga helo shidaalka loogu adeego bulshada oo dhan. Musuqmaasuqa wuxuu ka hor istaagi karaa shacabka Soomaaliyeed faa’iidooyinkii ay ka heli lahaayeen khayraadka dabiiciga ah, wuxuuna dhalin karaa kalsooni-darro iyo caqabado dhaqaale oo dheeri ah.
- Faquuq iyo Horumar La’aan Bulsho
Dalalka shidaalka soo saara ee sida Equatorial Guinea iyo South Sudan waxay la kulmeen xaalad faquuq bulsho oo xooggan. Howlaha shidaalka dalalkan waxay u xiran yihiin dad gaar ah, halka bulshada inteeda kale ay wajahayaan nolol adag iyo horumar la’aan. Equatorial Guinea, tusaale ahaan, dakhliga shidaalka waxaa ka faa’iidaystay dad yar oo ka mid ah hogaanka dalka, taasoo keentay faquuq iyo dareen ah in dadka inteeda kale ay ka liitaan, halka kuwa taajirka ah ay si gaar ah ugu raaxeystaan khayraadka dalka. Haddii aan nidaam cadaalad ah loo sameyn sida shidaalka Soomaaliya loo qaybiyo, waxaa dhici karta in bulshada Soomaaliyeed ay la kulmaan horumar la’aan iyo faquuq. Taasina waxay dhalin kartaa kalsooni-darro iyo naceyb ku sii kordha bulshada dhexdeeda, taasoo sii hurin karta xasilooni-darrada dalka.
- Saameynta Deegaanka iyo Halista Wasakhda Shidaalka
Shidaalka haddii aan si nidaamsan loo soo saarin, wuxuu yeelan karaa saameyn taban oo deegaanka ah. Nigeria waxay la kulantay dhibaatooyin deegaanka ah, gaar ahaan wasakhda shidaalka oo burburisay deegaankii dabiiciga ahaa ee Niger Delta, taasoo xannibtay fursado kale oo horumarineed sida kalluumeysiga iyo beeraha. Haddii Soomaaliya aysan nidaam adag u samayn sidii loo ilaalin lahaa deegaanka marka shidaalka laga qodayo, waxay khatar ugu jirtaa in xeebaha iyo dhulalka ay ka midka yihiin kuwa dabiiciga ah lagu wasakheeyo shidaal, taasoo si aan dib loo sixi karin u burburin karta nolosha deegaanka. Ilaalinta deegaanka waa muhiim si looga fogaado halista ku iman karta badaha, xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Gabagabo iyo Talo
Haddii si wanaagsan loo maamulo, shidaalka Soomaaliya wuxuu noqon karaa fursad horumarineed oo dalka u horseeda koboc dhaqaale iyo horumar bulsho. Laakiin si looga fogaado caqabadaha iyo khataraha aan kor ku soo xusnay, waxaa lagama maarmaan ah in Soomaaliya ay qaadato nidaamyo iyo shuruuc hufan oo lagu maamulo dakhliga iyo saamiga shidaalka. Dalalka Norway iyo Botswana waxay tusaale fiican u yihiin sida nidaam cadaalad ah iyo maamul wanaagsan loogu sameeyo khayraadka dabiiciga ah, iyagoo hubinaya in dakhliga ka soo xarooda lagu horumariyo bulshada oo dhan. Soomaaliya waxay u baahan tahay nidaamyo waara oo xadidaya musuqmaasuqa, xasiloonida siyaasadeedna damaanad qaadaya, si shacabka oo dhan uga faa’iido khayraadka dabiiciga ah, halkaasna looga fogaanayo saameynta taban ee shidaalka.
Waxaa muhiim ah in Soomaaliya ay maanka ku hayso in shidaalku uu yahay khayraad dadweynaha ka dhexeeya, loona baahan yahay in daahfurnaan iyo cadaalad lagu dabakho. Shacabka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay ka faa’iidaan khayraadkooda dabiiciga ah iyadoo la ilaalinayo nabadda, horumarka, iyo ilaalinta deegaanka.
Qalinkii Cali Hilowle
kala xariir: Achilowle@gmail.com