Home / Arrimaha Bulshada / La kulan: Haweeneydii ugu horreysay ee ku biirtay maxkamadda sare ee Pakistan

La kulan: Haweeneydii ugu horreysay ee ku biirtay maxkamadda sare ee Pakistan

Himilo – Caa’isha Malik oo 55 jir ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horeesay oo muslim ah oo garsoore ka noqota maxkamadda ugu sarreysa  dalka Pakistan tan iyo markii dalkan la aasaasay 1947, waxaana sheekada  haweeneydan si weyn u hadal heysa warbaahinta caalamka.

Haweeneydan ayaa ku biireysa 16-garsoore kale oo dhammaantood rag ah, waxayna Caa’isha Malik noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay oo loo dhaariyo inay garsoore ka noqoto maxkamadda sare ee dalkaas.

Qareennada u dooda arrimaha bulshada ayaa sheegay in dadaalkooda socday muddo ka badan 10-sanno uu guul kusoo dhamaaday, waxa ayna sheegeen in tani tahay guul taariikhi ah in haweeney kamid noqoto garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa Pakistan.

Dadka kunool dalka Pakistan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay haweneydan kamid noqotay garsoorayaasha maxkamadda sare ee dalka Pakistan, waxaana dadka qaar soo dhaweeyeen tallaabadan halka kuwa kalana ay dhaliileen .

Garsoore Caa’isha, ayaa cilmiga sharciga ku baratay gudaha dalkeeda iyo jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka, waxa ayna ka shaqo bilaawday shirkado badan oo dhanka sharciga ah oo ay ku takhasustay bangiyada iyo sharciga shirkadaha. Sannadkii 2012, waxay garsoore ka noqotay maxkamadda Sare ee Lahore, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Pakistan.

Tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay, waxay samaysay go’aamo aan horay loo arag oo lagu horumarinayo sinnaanta jinsiga, oo ay ku jiraan xuquuqda cod bixinta iyo hubinta matalaadda haweenka ee wasaaradaha iyo kulliyadaha caafimaadka.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan