Himilo – Covid-19 wuxuu beddelay hannaankii shaqo ee dadyowga dunida oo dhan. Wuxuu qasbay in guryaha laga dhex shaqeeyo si loo badbaado.
Balse natiijada ka soo baxday waxay noqotay middaan la wada mahadin labadii sano ee la soo dhaafay, waxaa dhibaato noqday saacadaha shaqada oo intii hore ka badan.
Hase-yeeshee, waxaa jira dad guri ku shaqeynta uga faa’iideystay inay dhowr shaqo isku dul wataan si ay u kordhiyaan dhaqaalaha jeebkooda soo gala.
Waxaa aad loo wadaagay nin lix shaqo isku haya, wuxuu sheegay inuu saaran yahay waddadii geyn laheyd ama uu ku noqon lahaa milyuneer mustaqbalka dhaw.
Ninkan oo magaciisa qariyay ayaa Reddit u sheegay inuu shaqooyinkaas qabto isagoo guriga jooga. Wuxuu intaa raaciyay inuu 2022 keliya helay dakhli gaaraya $7,00,000.