Home / Macluumaad / La kulan – Weriyaha wararka ku tebin kara lix luuqadood

La kulan – Weriyaha wararka ku tebin kara lix luuqadood

Himilo – Philip Crowther oo ah weriye u shaqeeya wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa noqday mid aad looga hadal hayo baraha bulshada.

Hadal hayntiisa ayaa aad u baahday markii la daawaday isagoo ku tebinaya lix luuqadood war uu kaga soo xog warramayay Russia.

Bartiisa Twitter-ka ayuu soo geliyay muuqaal uu ku faahfaahinayay qalalaasaha ka jira Ukraine ee uu Ruushku ka yahay dhex-taalka.

Luuqadaha uu tebintiisa u adeegsaday waxay kala yihiin; English, Luxembourgish, Spanish, Portuguese, French iyo German.

Muuqaalka uu soo dhigay waxaa daawaday dad kor u dhaafaya 5.6 milyan, waxaa dib u dhigay barakooda twitter-ka 4,200. Sidoo kale waxaa ka fal-celiyay 50 kun.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan