Home / Cayaaro / Liverpool oo wali rajo ka qabta inay heshiis cusub ka saxiixdo Maxamed Salaax

Liverpool oo wali rajo ka qabta inay heshiis cusub ka saxiixdo Maxamed Salaax

Himilo – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wali ‘ rajo ka qabto’ in ay heshiis cusub la gaarto xiddigan Maxamed Salaax.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa markale qaab ciyaareed xoogan ku soo bandhigaya Reds intii lagu jiray xilli ciyaareedka 2021-22.

Xilli ciyaareedkan wuxuu kooxdiisa u saftay 36 kulan tartamada oo dhan, wuxuu u dhaliyay 28 gool. Sidoo kale wuxuu caawiyay  10 oo ay dhaliyeen xiddiga kale.

Qandaraaska Salaax ee Anfield wuxuu dhacayaa bisha June ee soo socota, si kastaba ha ahaatee, wuxuu  dalbanayay mushaar badan in loo qoro, lama oga in laga aqbalay iyo in kale.

Salaax ayaa dhaliyay 153 gool waxaana loo diwangeliyay 57 caawin 239 kulan oo uu u saftay Liverpool tan iyo markii uu kooxda Ingariiska kaga soo biiray Roma bishii July 2017.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan