Himilo – Muqdisho waa caasimada dalka Soomaaliya waxey ku taalaa galbeedka badweynta Hindiya. Soddon sano ka hor waxay ahaan jirtay magaalo ay u soo dalxiis tagaan dadyowga duniga, maadaama ay leedahay xadaarad iyo xeebo qurux badan oo soo jiita dadka ajaanibta ah, taasi waxay suuragalisay inay ku noolaadaan dad kala jinsiyad ah.
Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen, waxaa jira dhowr arag sida in magaalada la aasaasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.
Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin kanaalka Suweys), jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari.
Taariikh facweyn iyo maalmo qurux badan oo ay magaaladu ku soo jirtay xilli dheer, waxaa marqura isbeddelay wejigii qurxanaa ee magaalada hoos u dhac dhinacyo badan kaddib burburkii dowladii dhexe ku yimid.
Inkastoo magaaladu ay iska caabisay dhibaatooyin badan oo ka dhashay dagaaladii sokeeye iyo burburkii xoogganaa ee ka dhashay hubkii leysku ridayay, hadana waxaan la dafiri karin caqabadaha weli horyaal magaalada sida wadooyinka burbursan, meelaha biyo fariisiga ah xilli roobaadka iyo wasaqowga tirade badan ee ka dhashay bacaha balaastiga magaalada dhooban, balse intaa oo idil waxaa ugu darsamay xoolaha nool ee magaalada dhax socda afar iyo labaatanka saac.
Lo’da iyo Laamiyada Muqdisho
Waxaad si maalinle ah u arki kartaa haddii aad Muqdisho joogto noocyada xoolaha kala duwan oo dhax qul-qulaya faris magaalaha iyo wadooyinka caasimadda mara, xoolaha waxaa ugu badan lo’da oo dhaqanka magaalada laqabsatay, degmooyinka Waabari, Wadajir, Warta-nabadda, Dharkeynley iyo Hodan waa goobaha ugu badan ee aad sii og tahay in aad kula kulmeyso lo’da oo wadada fadhisa.
Sababta ugu weyn ee keentay inay magaaladu noqoto meel xoolaha lagu dhaqdo waxay dadbadan ku sheegayaan abaarihii soo noqnoqday ee dalka ku dhuftay kuwaa oo keenay markii la waayay meel ay baad ka helaan xoolaha in magaalada lala soo maciin biday.
Kasokow dhibaatooyinka ay keeneen oo isugu jira kuwo muuqda iyo kuwo aan muuqan, waxaa jira dhibaatooyin ay iyagu la kulmaan, waxaana ka mid ah gawaarida oo jiirta, wasaqda iyo bacaha oo ay si xisaab la’aan ah u cunayaan iyo midda ugu daran oo ah inay ka nabadgali waayaan carruurta oo marba dhinac u eryata.
Muqdisho dhibaatada ay kala kulantay xoolahaa dhax yaacaya waxaa kamid ah in lagala quustay dhireyntii magaalada iyo dhirtii bilicda iyo nuurka u noqon laheyd waddooyinka magaalada, tii wadooyinka marka laga soo gudbo waxaa haatan gabaabsi ah geedihii waaweynaa ee guryaha ku yaalay oo xoolaha loo gurayo.
Maxaa xal u noqon kara caqabadda ka dhalatay xoolaha magaalada lagu hayo.
Madaama Muqdisho oo ah caasimada iyo muraayadda ummadda Soomaaliyeed waxaa qasab ah inay noqoto magaalo doog ah oo dhireysan, si hadafkaas loo gaarana waa lama huraan in xal waara loo helo xoolaha magaalada lagu hayo.
Maamulka gobolka banaadir oo ah meesha ugu dambeysa iyo marjaca masuulka ka ah magaalada ayaana looga fadhiyaa in uu keeno xal wanaagsan balse haddii aan talladayda raacino, Waxaa lama huran ah in lasameeyo laanta wacyigelinta, si dadka leh xoolaha loogu sheego muhiimada bilicda magaaladu ay u leedahay qaranka iyo caqabada ay keeneen xoolahooda.
In awaamiir la fulin karo uu keeno maamulka, kuwaas oo lagula xisaabtamayo qoysaska xoolaha magaalada ku dhex hayo.
Qoray: Cali Hilowle