Home / Macluumaad / Magaalo ka tirsan Mareykanka oo ogolaatay in cod sare lagu aadaamo salaadaha

Magaalo ka tirsan Mareykanka oo ogolaatay in cod sare lagu aadaamo salaadaha

Himilo – Golaha magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, ayaa ansixiyay sharci fasaxaya in masaajiddu adeegsadaan sameecadaha dhawaaq dheer si muslimiinta ay u maqlaan aadaanka salaadaha, xilli ay foodda innagu soo hayso bisha Soon.

Sida uu dhigayo sharcigan, imaamyada masaajidda ayaa aadaanka u adeegsan kara codbaahiyeyaal seddax ka mid ah shanta salaadood ee la faray mulimiinta, Salaadaha Subax iyo Cisho ayuu farayaa in aad loo gaabiyo heerka codbaahiyaha.

Jamal Osman oo xubin ka ah golaha magaalada, ayaa tillaabadan ku tilmaamay mid loo qaaday dhanka jihada saxda ah, si bulshada ay u hesho xuquuq siman.

Ku dhawaad 6-milyan oo ruux oo muslimiin ah ayaa la qiyaasaa inay ku nool yihiin guud ahaan gobolka Minnesota oo ay hoos tagto magaalada Minneapolis.

Sanadkii 2004-tii ayey markii uu kasoo baxay Mareykanka sharcigii ugu horreeyay ee lagu ogolaanayo aadaanka sare, dowladda hoose ee magaalada Hamtramck ee gobolka Michigan ayaana soo saartay.

Waxa dhaqangalay sharci midkan la mid ah oo ay Iyana soo saareen golaha magaalada ay ku xoogan yihiin Muslimiinta ee Dearborn ee ka tirsan isla gobolka.

New Jersey, oo ay ku nool yihiin 30-kun oo muslimiin ah, ayaa noqotay magaaladii seddaxaad ee ansixisa sharcigan oo kale bishii Maarso ee sanadkii 2020-kii.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan