Himilo –Manchester City ayaa la soo warinayaa inay u calaamadeysatay daafaca Juventus Leonardo Bonucci inuu u yahay saxiixa xagaaga.
Ka tegista Vincent Kompany iyo Nicolas Otamendi oo safka ka baxay Pep Guardiola ayaa u baahan inuu ku buuxiyo ugu yaraan hal daafac dhexe xagaagan safkiisa .
Sida laga soo xigtay wargeyska Talyaaniga Alfredo Pedulla, taasi waxay keentay in City ay wax ka weydiiso helitaanka Bonucci, kaasoo hal sanno oo keliya ku qaatay haatan kooxda waqtigiisii labaad ee horyaalka Serie A kooxda haysata markii uu ku soo laabtay.
32 jirkan ayaa haatan loo arkaa mid ka mid ah daafacyada ugu sarreeya kooxda, inkastoo ay suurtagal tahay inuu beddelo booskiisa Matthijs de-Ligt oo laga yaabo inuu ka yimaado Ajax.
Warar hore ayaa sheegaya in labada dhan ee ciyaaryahanka iyo kooxduba aysan xiiseyneynin inay heshiis la galaan markii Paris Saint-Germain ay miisaameysay xiddiga Talyaaniga helitaankiisa .
Bonucci weli wuxuu heystaa afar sanno oo ka haray heshiiskiisa.