Home / Cayaaro / Man United iyo PSG oo doonaya in ay ku lacag ku bixiyaan Messi

Man United iyo PSG oo doonaya in ay ku lacag ku bixiyaan Messi

Himilo – Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa dalab rasmi ah ka gudbinaya weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi.

Messi ayaa caalamka kaga argagaxsaday warka ah in uu ka tagayo Barcelona oo uu joogy tan iyo da’diisa 13-ka sanno.

Cayaaryahanka ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or lix jeer ayaa doonaya in uu tijaabiyo koox cusub iyada oo si weyn loola xiriiriyay kooxo badan.

Qandaraaska cayaaryahanka reer Argentine ayaa galaya sannadkiisii ugu danbeeyay iyada oo la tilmaamayo in uu ka tagayo garoonka Camp Nou.

Messi ayaa la rumeysan yahay in ay markan dhab ka tahay ka tegista kooxda reer Catalan kaddib guuldarradii niyad jabka laheyd ee ka soo gaartay Bayern Munich.

Kooxo badan sida Inter Milan, Manchester City iyo PSG ayaa lala xiriiriyay 33 jirka toddobaadyadii ugu danbeeyay.

About Mahad Mohamed

5 comments

  1. Häufig neurokortikale und neurozerebellare Störungen cytotec for sale Finally, stress hyperglycemia has also been associated with poor functional recovery among diabetic and nondiabetic patients after stroke

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan