Home / Cayaaro / Man United oo tartan ka wajaheysa kooxo ka dhisan Premier League doonistooda David Carmo

Man United oo tartan ka wajaheysa kooxo ka dhisan Premier League doonistooda David Carmo

Himilo – Manchester United ayaa lagu warramayaa in ay wajahayaan tartan kaga imaanaya ugu yaraan 10 koox kuwaasi oo ceyrsanaya daafaca Braga ee David Carmo.

21 sanno jirkaan ayaa si joogto ah kooxda ugu soo muuqanayay safka hore ee daafaca muddo ka badan hal sano, isaga oo fasalkan kasoo muuqday siddeed ciyaarood dhammaan tartamada.

Sida ay ku warrameyso The Athletic, dhowr naadi oo ka dhisan Premier League oo ay kamid yihiin lix koox oo United kula xafiiltamaya Plka.

Si kastaba Carmo qandaraaska uu kula jiro Braga waxa uu ku egyahay 2025, xilli naadiga reer Portugal ay dooneyso in heshiis kordhin u sameyso.

Carmo ayaa la fahamsan yahay in qiimaha lagu burburin karo tahay £36 milyan oo Gini.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan