Himilo – Dhacdo weyn ayay noqotay oo layaab ku reebtay dad badan markii maqaayad ku taalla magaalada Denver ee Mareykanka saartay ganaax lacageed mid kamid ah macaamiisheeda sabab la xiriirta weydiin lagu tilmaamay doqonimo.
Qofka macmiilka ah ayaa baraha bulshada ku faafiyay sawirka qaan-sheegadka lacageed ee maqaayadda oo muujinaya in 38 senti oo dheeraad ah la saaray sabab lagu sheegay in uu weydiiyay gabar u adeegaysay su’aal doqonimo ah.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska, qofka macmiilka ah oo aan heybtiisa la shaacin ayaan sharraaxad ka bixin su’aasha uu weydiiyay shaqaalaha oo uu ku muteystay ganaaxa lacageed.
Sawirka qaan-sheegadka ayaa dood badan ka dhaliyay baraha bulshada iyada oo dad badan su’aalo ka keeneen nuuca weydiinta.
“Haddii lacag aan ku heli lahaa su’aalaha doqonimada ah ee dad badan i weydiiyaan, waxaan noqon lahaa bilyaneer,” ayuu yiri mid kamid ah dadka adeegsada baraha bulshada.
Wargeyska Daily Mail ayaa xusay in maamulka maqaayadda uu dejiyay siyaasad cad oo tilmaameysa in ganaax lacageed la saaro macaamiisha weydiiya shaqaalaha su’aalo aan habbooneyn.
Waxaa xusid mudan oo layaab noqotay in lacagta ganaaxa ku caddahay warqadda qaan-sheegadka ah ee loo hor-dhigay macmiilka.