Himilo- Waxay noqotay dhacdo aan marnaba la illoobi karin markii kooxda dab damiska ay faro-gelin ku sameeyeen wakhtiga ugu habboon si ay u caawiyaan gabar aroos ahayd oo ku xannibantay saxmad wadooyinka ah.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, koox katirsan dab damiska Los Angeles ee Mareykanka ayaa caawiyay Julie Gorman oo ku xannibantay saxmad waddo iyadoo ku sii jeeda xafladeeda arooska.
Kooxda oo la socotay mid kamid gaadiidka dab damiska ayaa la kulmay dhacdada gabadha, waxay weydiiyeen haddii ay caawin karaan.
Ms Julie iyo dadkii la socday ayaa u sheegay kooxda inay u baahan yihiin kaalmo kasta oo ay ku gaari karaan goobta arooska.
Shaqaalaha dab damiska ayaa u oggolaaday gabadha arooska ah iyo tiro yar oo kamid ah dadkii wehlinayay inay raacaan gaadiidka dab damiska si loo gaarsiiyo xafladda.
Inkastoo ay waxyar ka dib dhacday xafladda haddana Julie ayaa gaartay goobta iyadoo mahadcelin u jeedisay shaqaalaha dab damiska.
Waxaa xusid mudan in dhacdooyinka nuucaan oo kale ah in laga soo wariyay goobo kala duwan oo caalamka ah, waxaana si weyn inta badan uga falceliya dadka adeegsada baraha bulshada.