Home / Macluumaad / Markabka ugu weyn adduunka oo la soo saaray

Markabka ugu weyn adduunka oo la soo saaray

Himilo – Dowladda Mareykanka ayaa ku guuleysatay dhismaha Markabka ugu weyn Adduunka kaas oo lagu magacaabo Mucjisada Badda.

Markabkan ayaa waxaa uu qaadaa culeys dhan 236,857 Tan, waxaana uu sidoo kale qaadaa kumanaan qof isaga oo laga heli karo adeegyo kala duwan.

Waxaa lagu sifeeyay magaalo Badda ku dhextaalla taas oo waliba dhaq dhaqaaqeysa ama soconeysa maaddaama uu yahay Markab dhaqaaqaya.

Waxaa uu leeyahay Parkinga Gawaarida oo qaada boqolaal Gawaari ah, 19 Barkadaha Dabaasha, 20 Maqaayadood oo laga helo noocyada kala duwan ee Raashinka, 19 Baar oo  lagu caweeyo.

Waxaa uu qaadaa 6,988 qof oo Rakaab ah iyo 2300 oo shaqaale ah, waxaa uu shan jeer ka weynyahay Markabkii Titanic,waxaa uu leeyahay 18 Gole oo 16 ka mid ah loogu talagalay Rakaabka, dhererkiisa waxa uu gaarayaa 1188 FT fiid.

Markab oo saddex sano dhismahiisa ka socday  Saint-Nazaire, France, waxaa ku baxay $1 billion, Ayaa la doonayay in xariga looga jaro China sanadkii la soo dhaafay iyada oo loo wareejiyay Florida Mareykanka.

Madaxa fulinta Markabka Jason Liberty, ayaa sheegay in 2022 uu noqon  doono sanad ay dhaqaaq fiican sameeyaan islamarkaana ay shaqo billaabaan.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan