Himilo FM – Weeraryahanka West Ham Marko Arnautovic ayaa garoomada ka maqnaanaya muddo bil ah iyadoo dhaawac uu kasoo gaaray kulankii Talaadadii ay 3-1 kaga badiyeen Cardiff.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Austria ayaa seegi doona xilli Ciidaha Christmas-ka, inkastoo laga yaabo inuu diyaar u noqdo kulanka FA Cup wareega 3aad ee ay la ciyaarayaan Birmingham bisha Janaayo.
29 jirkaan ayaa dhaliyay shan gool 13 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan Horyaalka.
“Arnautovic wuxuu leeyahay dhaawac muruqa ah, “ayuu yiri tababaraha West Ham Manuel Pellegrini. “Waxaa laga yaabaa inuu maqnaado muddo hal bil ah.”
West Ham waxay Kulan kula qaadan doontaa Crystal Palace garoonka London Stadium Sabtida.