Himilo – Cudurrada ibna’aadamka lasoo dersa wey kala dubanyihiin waxaana loo qeybiyaa noocyo kala duwan oo marba lagu saleeyo arrimo xaddidan , annagoo ku saleyneyna dhanka waqti hore ku baraaruga bukaanada ee calaamadaha cudurrada iyo inta ay la egtahay tilaabooyinka dhaqtarka uu qaadi karo si uu u kaalmeeyo bukaanka xannuunsan , cudurada waxaa loo qeybiyaa cuduro loo yaqaano cudurrada aan calaamadaha wadan iyo cudurro calaamadahoodu bilaabanayaan isla billowga cudurka in jirka qofka uu ku dhex hormaro.
Cudurrada aan calaamadaha wadan waa cuduro dhowr ah oo aan qofka siineynin wax digniino ama calaamada ah sida xanuun , barar , olol, tabardari iyo wixii lamid ah balse qofka uu ogaanayo qabistiisa cudurrada noocaan oo kale ah marka uu si caadi ah isku baaraayo ama uu iska baaraayo dhibaatooyin kale oo aan cuduradaan aheyn, cuduradaan waxaa ugu caansan cudurka dhiig karka oo mararka qaar loogu naaneyso dilaaga aamusan, maadaama cudurka dhiig karka uusan wadanin calaamadaha shaacsan ee cudurada lagu yaqaano, hase yeeshee qofka ey u badantahay in la ogaado inuu qabo markii uu dhaawac kasoo gaaro xubno kale oo jirkiisa ka mid ah sida indhaha, maskaxda, kilyaha iyo neerfaha, dagniin la’aanta ey ku sumadeysanyihiin cuduradaan wexey sii xoojisay iney noqdaan cudurro ey adagtahay in bukaanada ey ku baraarugaan jiritaankooda ama in uu hayo , maadaama cuduradaan ogaanshiyahooda ey ku xerantahay qalab cabbiraya xubno ka mid ah jirka , markii la damco in la fiiriyo xaddiga iyo baahsanaanta xaaladaha cuduradaan , wexey u yara muuqdaan kuwa ka yara hooseeya xaddiga iyo baahsanaanta nooc cudurada loo yaqaano cudurada calaamadaha wata, laakin halista uu tijaabinayo bukaanka la dhibaateysan cudurada caalamad la’aanta ah heerka uu gaarsiisan yahay awgeed ayaa ka dhigtay in aan la yareysan iyadoo lagu marmar-siyoonayo in tiro ahaan cuduradaan ey ka yar yihiin cudurada kale.
Dhanka kale waxaa jiro cuduro la isku dhaho cudurada wata digniinaha ama calaamadaha. cuduradaan waa cuduro islamarkii qofka ey ku dhacaan uu qofku tijaabinayo ama uu dareemaayo calaamado ka dhigeya in uu kaalmo caafimaad raadsado taas oo keeneysa in cuduradaan ey u badan yihiin kuwa badankood wax laga qabto xilliyadooda hore , maadaama ey ka dhigayaan bukaankii xanuunka ey wataan awgeed in uu waqti hore raadsado kaalmo caafimaad, calaamadaha cuduradaan ey wataan waxaa mararka qaar loo qeybiyaa iney soo maraan saddex ama afar marxaladood, marxaladahaas oo lagu saleeyay qeybintooda, heerka uu gaarsiisan yahay dhibaatada bukaanka uu dareemayo iyo doorashooyinka kala duwan ee uu haysto dhaqatarka isku dayaya in uu kaalmeeyo bukaanka.
Saddexdaas ama afartaas marxalad waxaa ugu horreeya, marxalad loo yaqano marxalada iska fudud, marxaladaan bukaanka wuxuu dareemaa xanuuno aad u yar hase yeeshee uu ku baraarugsanyahay in uusan caadi aheyn, xilligaan haddii bukaanka uu u tago dhaqtar , wexey u badan tahay in dhaqatarka uu haysto doorashooyin kala duduwan oo dhowr ah oo uu wax uga qaban karo dhibaatada bukaanka haysata , isagoo markaas u weecin doona doorashadiisa xalka ugu sahlan qarash ahaan iyo daawo ahaanba.
Maraxalada labaad oo iyadana loo yaqaano marxalada iska dhexdhexaadka ah , marxaladaan wexey ka ag dhowdahay marxaladii hore hase yeeshee , xunuunka ama dhibaatada bukaanka uu dareemayo cudurka hayo awgeed wey ka yara xoog badantahay markii loo fiiriyo marxaladii koobaad, dhaqatarkana tilaabooyinka uu qaadi karo si uu u kaalmeeyo bukaankaas wexey noqonaayaan tilaabooyin ka yara xaddidan tiradii doorashooyinka aheyd ee uu haystay marxaladii koobaad .
Marxalada sedexaad waa marxalada lagu magacaabo marxalada adag , marxaladaan bukaanka wuxuu dareemaa calaamadaha cudurka kuwooda ugu daran, dhaqtarka isku dayaya inuu wax u qabto bukaankaan wuxuu istaagaa boos uusan haysanin wax aan ka badneyn hal doorasho taas oo aad qatarteeda u leh lacagta ku bexeysana ey aad u badantahay .
Marxalada afraad waa marxalada bukaanada qaar ee qaba cudurada qaar ey gaaraan taas oo ah marxalada la dhaho wax lagama qaban karo , marxaladan bukaanka wuxuu dareemaa calaamadaha cudurka kuwooda ugu dardaran , dhaqatrka bukaanka isku dayaya inuu kaalmeeyo wax doorasha ah oo uu wax ugu qaban karo bukaanka ma horyaalaan maadaama cudurka bukaan uu soo gaaray marxalad ey isku mid tahay in faragalin lagu sameeyo iyo in aan lagu sameyninba aan wax isbadaleynin, balse dhaqtarka uu isku dayi karo inu ka yara qafiifiyo bukaanka xanuunka cudurka inta uu ka dhimanayo.
Marxaladahaas kala duwan wexey inoo muujinaayaan tilaabooyinka dhaqatarka uu qaadayo iney ku xerantahay marxaladda cudurka uu taagan yahay, taasna wexey naga dhigeysaa inaan ka dhex fahanno marxaladahan farriinta ah, marwalba oo aad si degdeg ula xiriirto dhaqtarkaada waa marwalba oo wax ka qabashada cudurka lagu guuleysan doono.
Qoray: Dr Abdi Naasir Shide Ali (Dhaqtar)