Home / Arrimaha Bulshada / Maxaa dhacay markii haweenay Ingiriis ah ka codsatay saygeeda inuu nadiifiyo guriga?

Maxaa dhacay markii haweenay Ingiriis ah ka codsatay saygeeda inuu nadiifiyo guriga?

Himilo –Booliiska dalka Ingiriiska ayaa xeray haweenay muddo 17 saacadood ah markii ay ninkeeda ka dalbatay in uu kala shaqeeyo nadaafadda guriga.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, Valerie Sanders oo 58 jir ah ayaa ka codsatay ninkeeda Michael in uu iska yareeyo howlaha jir-dhiska ee uu sameeyo islamarkaana uu ka caawiyo shaqada guriga.

Michael ayaa qabatimay howlaha jir-dhiska kaddib markii agaasime looga dhigay xarun ka shaqeysa howshaasi.

Dhowr mar oo Ms Valerie ka dalbatay ninkeeda in uu nadiifiyo guriga ama bannaankiisa kaddib, waxaa xaafadda ugu yimid booliis oo xeray saacado kooban.

Xariga haweenayda ayaa loo cuskaday eedeyn uu soo jeeday ninkeeda oo ahayd inay adeegsaneyso hab ku-dhisan rabshado.

Ninka ayaa ka cabanaya inay xaaskiisa saartay cadaadis badan islamarkaana diidan tahay inay ku taageerto shaqadiisa cusub.

Gunnaanadkii, ninka ayaa ka riday xaaskiisa dhammaan eedeymaha iyadoo la sii daayay, waxayna labaduba guda galeen hannaanka furriinka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan