Home / Macluumaad / Maxaa jaamacadaheenna u diidaya inay Af-soomaaliya ku soo daraan Takhasusyada?

Maxaa jaamacadaheenna u diidaya inay Af-soomaaliya ku soo daraan Takhasusyada?

Himilo – Ku dhawaad 7,100 af ayaa maanta looga hadlaan adduun, xogaha qaar ayaase tirada intaas ka yareynaya oo tilmaama inay yihiin keliya 6,500, siyaabaha ay ku badbaadaan ayaa waxaa ka mid ah in bulshada ku hadasha ay nool yihiin welina jiil ka jiil isu tebinayaan, si u dhowraan dadnimadooda iyo jiritaankoodaba.

Marka laga yimaado kuwaan waxaa jira afaf dabar go’ay waxaa ka mid ah Sumerian oo ay ku hadli jireen bulshooyinkii ilbaxnimada dunidu kasoo billaabatay ee ku noolaa koofur-galbeed Aasiya, waxey beri ahaan jirtay tan ugu faca wayn marka la eego luuqadaha qoran.

Dabar Go’eeda kama dhigna in dadkii ku noolAA dhulkaasi uu isirkoodu dabar go’ay balse waa la bara-bixiyay, markii afaf kale ay soo gaareen gobolkaasi, waana waddada uu hadda hayo afkeenna oo loolan xoogan ka wajahaya afaf kale Ingiriiskaba ha ugu horreeyee.

Waxa uu dunida ugu xisaabsan yahay kuwa sii dabar go’aya, inkastoo aqoonyahanadeena qaarkood qabaan in uusan asal guuri doonin inta qof soomaali ahi nool yahay, waxaase xaqiiq ah inuusan heysan koox amaba qolo u xeydan illaalin iyo kobcintiisa marka laga reebo guddigii dhawaan la magacaabay.

Goobaha waxbarashada waa meelaha lagu illaaliyo oo lagu badbaadiyo afka, jiilka cusub ee soo hanaqaaday oo aanan aqoonin Akhris qoraalkiisa na lagu baro, si iyaguna ugu gudbiyaan kuwa nolol kaga danbeeya. Ardayda qaar ee doonaya inay takhasus ka diyaariyaan na waxey ka helaan jaamacahadooda.

Kuweenna lagu diyaariyo ardayda waxaa toddobaadkii uu qaataa maadada afka soomaaliga wax ka yar seddax xiisadood halka afafka kale la siiiyo waqti midkaasi ka badan ku darroo waxaa la geeyaa xiisadaha danbe amaba tan quraacda ku xigta markaas oo maskaxda ardaydu si fudud wax u qeybi Karin.

Dalkeenna oo ay ka jiraan ku dhawaad seddax boqol oo jaamacadood, hal illaa seddax ka mid ah ayaa laga heli karaa takhasus afka iyo suugaantiisa ah, taasi oo keentay inay arday baran lahaa u weecdaan maadooyin kale.

Jaamacadaha qaarkood ayaa innoo sheegay inaanan loo helin Karin arday, iyo barayaal sababtaasina ay u adag tahay ka mid dhigidda takhasusyada, waxaase mudan in hoosta laga xariiqo in afkeennu cidi u maqneyn innaga mooyaane.

Wax weliba billawgooda ma fududa waxaase hubaal ah in dhammaadka laga dhaxli karo miro macaan oo la muudsado. In jaamacadaheenna badankooda ay soo kordhiyaan takhasuska afka Soomaaliya iyo Suugaantiisana waxey kaalin muuqata ka qaadan kartaa samata bixinta afkeenna godka mugdiga ah kusoo dhacaya.

Keliya waxaan u baahan nahay aqoonyahanno is xilqaama gutana waajibaadka ka saaran dalka iyo dadka.

W/Q: Sacdiya Nuur Ciid

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan