Himilo –Madaweyne Donald Trump ayaa wadahadalo la yeeshay hoggaanka FIFA ninka lagu magacaabo Gianni Infantino isaga oo kala hadlay sidii haweenka ciyaara kubadda cagta ay u heli lahaayeen caddaalad.
Labada shaqsi uu midna madaxweyne ka yahay Mareykanka halka kan kale uu madaweyne u yahay hay’adda FIFA ayaa kulan ku qaatay aqalka cad ee looga arrimiyo USA.
Xulka haweenka Mareynkanka ayaa ku doodayey in aysan la sinneyn wiilasha ka ciyaara dalkaasi ee dheela kubadda cagta, iyaga oo qeexay in keliya ahmiyadda la siiyo ragga, xilli wiilasha ay heer hoose ka joogaan guulaha qaran ee caalamka intiisa kale.
Trump ayaan ka hadal halka uu ka taagan yahay eeddaasi, balse hadalka dhex maray hoggaanka FIFA ee Infantino ayuu ka yiri “Gianni iyo anniga waxaan ka wada hadalnay sidii dumarka ay u heli lahaayeen caddaalad taasi waa midda saxda ah, sababtoo ah qof waliba wixii uu sameeyay waa in uu ku helaa wixii uu mudnaa.”
Hoggaanka FIFA ayaa isaguna yiri “ Waxaan ka wada shaqeyneynaa taasi, waxaana sida ugu macquulsan ku dhawaaqi doonaa hindisahan cusub.”
Xulka haweenka Mareynkanka ayaa ku guuleystay koobkii adduunka ee dumarka kaasi oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka Faransiiska.