Himilo – Muslimiinta adduunka ayaa billaabay u dabbaal-degidda munaasibadda Ciidul-fitriga oo ku asteysan dhammaadka bisha Soonqaad.
Dabbaal-degga ayaa waxa uu ku billaawdaa caadiyan takbiirta salaadda ciidda iyo tukashadeeda oo lagu oogo masaajidda iyo fagaarayaashada caalamka.
Waxaa ka mid ah dalkeenna, goobaha lagu oogay salaadda ciidda waxaa ka mid ah masjidka Isbaheysiga islaamka, kan jaamaca ah ee Xamar Weyne iyo fagaareyaal kale, kaddib markii wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinka ay xalay iclaamisay ciidda.
Waxaa goobahaasi isugu tagay kumanaan ruux oo leh rag iyo dumar, da’ weliba, xiran dhar qurxoon oo isugu hambalyeeynaya munaasibadda ciiddul fitriga.
Masjidka ugu wayne koofur-bari Asia ee Istiqlal Grand Mosque ee ku yaalla Indonesia, ayaa sidoo kale ka mid ah goobaha lagu oogay salaadda ciidda, waxaana xaadiray tobanaan kun oo muslimiin ah.
In ka badan 200 oo kun oo ruux ayaa sidoo kale ka qeyb galay aroornimadii saaka tukadashada salaadda Ciidda ee masjidka barakeysan ee Al Aqsa ee magaaladda Qudus.
Salaadda kaddib weerar ay Yahuudda ku qaadeen dadkii oogay saaladda ayaa waxaa ku dhaawacmay seddax ruux oo falastiiniyiin ah.
Salaadda ciidda kaddib, muslimiinta ayaa xoojiya booqashada qaraabadda, halka qaarkoodna ay u damaashaad tagaan goobaha loo dalxiiso, si ay u wadaagaan farxadda Ciidda.