Himilo – Baarayaal caalami ah ayaa sheegay in dunida u baaqan karto 1 Bilyan oo Doolar maalin kasta haddii carruur badan la siiyo naas-nuujin wakhti dheer.
Mareeg cusub oo ay sameeyeen baarayaal ku sugan Canada iyo Asia ayaa muujisay in caalamka uu ka baaqsan karo 341 Bilyan oo Doolar sannad kasta haddii hooyooyinka ay naas-nuujiyaan carruurta wakhti dheer, taasi oo kahortag u noqon karta dhimashada deg degga ah iyo cudurrada kala duwan.
Bogga “Cost of Not Breastfeeding” ayaa cuskaday xogta daraasad socotay muddo lix sanno ah oo ay sameysay xarunta dhallaanka iyo nafaqada carruurta Mareykanka ee Alive & Thrive.
“Waa xaq uu bini’aadamka leeyahay, waxa uu badbaadinayaa nolol iyo dhaqaale,” ayuu yiri Dylan Walters oo kamid ah khubarada baaritaanka ee jooga Canada.
Mr Walters oo hoggaaminayay baaritaanka laga sameeyay inka badan 100 dal ayaa xusay in mareegta ama bogga loogu tala galay in lagu caawiyo dadka dejiya siyaasadaha dowladaha iyadoo loo muujinayo khasaaraha dhaqaale ee soo gaaraya haddii aysan taageerin naas-nuujinta.
Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa ku talinaysa in carruurta la naas-nuujiyo lixda billood ee ugu horreysa iyadoo kaddib loo raacinayo cunto fudud illaa da’da labada sanno.
Baaritaan ay soo saartay QM sannadkii 2017 ayaa muujiyay in uusan jirin dal hooyooyinka ku caawiya naas-nuujinta carruurtooda mudada lixda billood ee ugu horreysa.