Himilo – Kooxda kubada cagta ee Nottingham Foresta ayaa lasoo warinayaa inay dagaal ugu jirto helitaanka daafaca Arsenal ee Carl Jenkinson, waxaana la filayaa inay saxiix hordhac ah la gaarto maalmaha soo aadan.
Sida ay warisay the Guardian, kooxdo waxay xiiso weyn u muujisay daafaca Jenkinson, oo uu horay u shaaciyay macallinka Arsenal Unai Emery in uu kooxda ka dirayo.
Gunners ay shaacisay inay dhimayso mushaaraadka ay qaataan qaar kamid ah laacibiintooda oo uu ka mid yahay daafacan, taa ayaana ku qasbeysa Jenkinson in uu u wareego koox cusub.
27 jirkan ayaa siddeed kulan u saftay kooxda Arsenal xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay kaddib markii uu ammaah uu ugu soo ciyaaray Birmingham city 2017-kii.