Muqdisho – Xiddiga kooxda Barcelona, Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu line-upkiisa ku soo laaban doono kulanka El Clasico ee kooxdiisu la ciyaarto naadiga ka dhisan caasimadda Spain ee Real Madrid.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa kusoo biiray kooxda Barcelona xagaagan isaga oo ka yimid kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund, wuxuuna markaa noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu qaalisan kubada cagta mar wuxuuna ka danbeeyaa Neymar oo ah kan ugu qaalisan dunida, kaas oo uga dhaqaaqay Barcelona dhinaca Paris Saint-Germain.
20 jirkan ayaa dhaawac muruqa ah kasoo gaaray kulankiisii labaad ee La Liga, lakiin waxa uu ka maqnaa tan iyo markaas.
Waxaa la aaminsanaa in Dembele uusan ku soo laaban doonin safka kooxda illaa 2018, laakiin sida uu qabo Marca, da ‘yarkan ayaa kasoo hormari doona waqtigii la rajeynayey in uu soo kabsado, waxaana laga yaabaa inuu ka hortago Real Madrid kulanka Bernabeu 22-ka December.
Si kastaba, warbixinta ayaa intaas ku dareysa in Barcelona aysan ku dagdagi doonin soo laabashada Dembele haddii uusan ku soo laaban taam ahaanshaha buuxa.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.