Himimo – Dowladda Pakistan ayaa si buuxda u furtay hawadeeda dhammaan noocyada duulimaadyada Sabtidii, taasoo muujineysa hoos u dhaca xiisaddii militari ee u dhexeysay Pakistan iyo Hindiya, kadib heshiis xabbad-joojin ah oo dhowaan la gaaray.
Labada dal ayaa xayiraado ballaaran ku soo rogay hawadooda tan iyo Arbacadii, kadib markii ay cirka isku shareertay xiisadda labada waddan.
Hay’adda Garoomada Diyaaradaha Pakistan (PAA) ayaa war rasmi ah ku xaqiijisay in hawada dalka oo dhan laga qaaday xayiraaddii hore, iyadoo lagu daabacay warbixin rasmi ah oo NOTAM ah (Ogeysiis Duuliyeyaasha).
“Dhammaan garoomada dalka waa diyaar u yihiin howlgal duulimaad oo caadi ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay PAA, isagoo ugu baaqay rakaabka in ay kala xiriiraan shirkadaha diyaaradaha ee ay la safri lahaayeen si ay u helaan jadwalka cusub ee duulimaadyada.
Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Pakistan ayaa uga digay dadweynaha in qaadashada tallaabadan aysan micnaheedu ahayn in xaaladda si buuxda caadi ugu soo laabatay, maadaama diyaarado iyo qalab muhiim ah loo raray goobo ammaan ah intii ay xiisaddu jirtay.
Go’aanka lagu furay hawada Pakistan ayaa kusoo beegmaya xilli dunida ay soo dhoweysay heshiiska xabbad-joojinta ee dhexmaray labada awoodood ee nukliyeerka leh ee Koonfurta Aasiya