Himilo – Mauricio Pochettino ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo shaqada xigta ee uu qaban karo laakiin waxa uu meesha ka saaray in uu ku laabanayo horyaalka Ingiriiska.
Tababarihii hore ee kooxda Tottenham oo shaqada laga ceyriyay bishii November ayaa lala xiriiriyay kooxda Barcelona.
Mar la weydiiyay halka uu u dhaqaaqi karo, Pochettino ayaa sheegay in uu wali qiimeynayo qorshayaasha u bannaan.
“Nasiib ayay ii ahayd in aan xirfadeyda ka bilaabo kooxda Espanyol ee magaalada Barcelona, kaddibna aan ku biiro horyaalka Ingiriiska aniga oo bartay luqad iyo dhaqan cusub,” ayuu yiri Pochettino.
Waxa uu intaa raaciyay “Kubadda cagta waxay ku dhalatay halkan Ingiriiska, laakiin waxaan qiyaasayaa in LaLiga uu leeyahay kubad iyo kooxo cajiib ah.”
Macallinkii hore ee Southampton ayaa u sheegay telefishinka LaLigaTV “Barcelona, dabcan, waa mid kamid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka, dabcan qof kasta hadda waxa uu ka rajeynayaa tababaraha cusub in uu qaado dhabbahii hore.”