Home / Cayaaro / Real Madrid oo beddalka Ramos ka aragtay Anfield

Real Madrid oo beddalka Ramos ka aragtay Anfield

Himilo FM –Daafaca dambeedka dhexe ee Liverpool Virgil van Dijk ayaa lagu soo waramayaa inuu ku jiro liiska xiddigaha Real Madrid haddii Sergio Ramos uu ka tago Bernabeu xagaaga suuqa kala iibsiga.

Ramos ayaa lagu soo waramayaa inuu ka fiirsanayo inuu ka tago Los Blancos xagaagan isagoo raadinaya naadi cusub.

Liverpool iyo Manchester United ayaa horeyba ula soo xiriireen wakiilka daafaca dhexe si loo xaqiijiyo in heshiiska uu dhici doono ka hor xilli ciyaareedka 2019-20ka.

Sida laga soo xigtay jariiradda AS, Ramos ayaa ka tagaya Bernabeu, Madrid ayaa isku dayi doonta inay  iibsato Van Dijk, kaasoo horumar  sameeyay ahna mid ka mid ah daafacyada ugu fiican adduunka intii uu joogay Anfield.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheegeysa in Liverpool aysan diyaar u ahayn inay iibiso xiddiga reer Netherlands sababtoo ah muhiim ayuu u yahay kooxda

27 jirkan ayaa lix gool dhaliyay, afarna caawiye ayuu ka ahaa 49 kulan oo uu u saftay kooxda Jurgen Klopp intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2018-19.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan