Home / Cayaaro / Ronaldo miyuu noqon karaa Juva shaqsiga ugu dhaqsiyaha badan ee gaara 100 gool?
Ronaldo

Ronaldo miyuu noqon karaa Juva shaqsiga ugu dhaqsiyaha badan ee gaara 100 gool?

Himilo – Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa u baahan doona 13 gool 11-ka kulan ee soo socda si uu u jabiyo rikoorka Omar Sivori.

Ronaldo ayaa sii wada baacsiga rikoorrada Old Lady inta uu sito maaliyadeeda wuxuuna wali noqon karaa ciyaaryahanka ugu dhaqsiyaha badan ee gaara 100 gool.

IlBianconero ayaa qortay, Sivori oo siddeed sano la qaatay Bianconero intii u dhaxeysay 1957 iyo 1965, ayaa haatan heysta rikoorka, maadaama halyeeygii hore uu keliya u baahnaa 124 kulan si uu u gaaro qarniga goolasha dhan.

Sida laga soo xigtay Transfermarkt, Ronaldo ayaa dhaliyay 87 gool 112 kulan oo uu u ciyaaray Juventus, taasoo la micno ah inuu u baahan yahay 13 gool 11ka kulan ee soo aadan si uu ula mid noqdo Sivori.

Haddii uu Ronaldo dhaliyo 13 gool 11-ka kulan ee soo socda, keligiis ayuu noqon doonaa kan ugu sarreeya.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan