Home / Macluumaad / Saaka iyo Zoobe – Ka duwan Sidii hore!

Saaka iyo Zoobe – Ka duwan Sidii hore!

Muqdisho – Meel dheer ayaan ka arkay socodka gaadiid kusii jeeda dhankaa iyo jidka Zoobe. Waxaan ogaaday in ugu danbeyn saakay dib loo furay. Qorshahaygu horraan wuxuu ahaa inaan docda kale kasoo galo xaruntayda shaqada. Qalbigayguna ima siinayn inaan kusoo socdaalo walow aan ka warqabay in xalay dib loo furay. Hayeeshe waxaan qaatay midda adag. Waxaan kusoo dhiirraday inaan dib ugu soo lugeeyo.

7 maalin kahor 14-kii October, wax walba waxay isku bedeleen abid. Wayna iska caddahay inaysan sidii hore kusoo laaban doonin. Kasokow mahadhada qaraar ee tiiraanyada dadkii naga baxay, inaad dib u aragto wejiga cusub ee saakay uu Zoobe ku waabariistay waxay hadiyo gooraale kugu reebaysaa xusuusashada dadkii aad is taqaaneen oo maanta aan in badan kula joogin.

Tallaab walba iyo gees walba oo aad jalleecdo waxaad ka heli kartaa sheekooyin isku mida balse kala xanuun iyo murugo badan. Gocashada laxawga leh ee dadkii aad ku tiqiin halkan oo aadan ku ogeyn nolol iyo geeri – balse aad u badinayso inay dhinteen – marka aad mid ka aragto waxaad si aan waaci ahayn u dareemaysaa nafis. Waayo ma aadan filayn inaad dib u arki doonto mar kale.

Uur-ku-taallada qaraar ee laga dhaxlo waxa ay ka dhigan tahay noqoshada samata-baxe ku dhex badbaaday mashaqadan oo kale, masahlana inaad ka sheekeyso. Ereyga kaliya ee lagu koobi karo sifadoodana waa inay og yihiin inaysan toodu ahaanin. Waxayse inta kale kaga dhow yihiin sidii ay ahayd macrifadooda qadiimiga ah. Haddii la yiraahdo hala qoro sooyaalka dadkii ku dhintay halkan – haba qaadato waqti dheer – waxay diiwaan-gelinaysaa taariikh cusub.

Dhammaan marxuumiinta halkan joogay 7 maalin kahor, waxay si naf-hurnimo leh ugu dhiirradeen inay ku dhaqmaan, dhalaan: kuna dhintaan dhulkooda. Kahor inta uusan wedku soo haleelin, hubaal waxay ku sugnaayeen qanaaco tii ugu danbeysay. Muhiim uma ahayn inta lacag oo ay qabtaan, waxaad ahmiyad u lahayd in si lagu faani karo ay ugu filnaadaan reerahooda. Niyadda fiican oo aroor walba ay kusoo hiiraystaan ayay habeenkii kula hoyan jireen aqalladooda. Maqabin wax qoomamo ah. Waxay kaliya ka fikiri jireen qorshaha maalinle ee noloshooda.

Fikradda kaliya oo aan halkan kaa siin karo muuqaalkeeda 7 cisho kahor, waa in waqti walba kobtii cirka loo tuuro aysan dhul dhicin. Kasokow xarumaha ganacsi ee dhinacyada ka taagan, baayac-mushtarrada yaryarka ah ee bixiya adeegyada kala duwan waxay goobtani u ahayd mid lagu yaqaan. Shaqadooduna waxay ahayd joogto – waaberiga ilaa fiid horraadka.

Da’yarta u badan baalashlayaasha ee labada gees ee laamiga fadhin jiray, sandaqadleyda bagaashka tafaariiqda iibisa, haweenka qaadwalayaasha, nimankii rumayga iyo qudaarta ku keeni jiray gaari-gacannada iyo in kale oo lamid ah ayaa dhaqdhaqaaqa socod ee halkan qeyb ballaaran ku lahaa.

Macmiil badan oo dadkan rukun ka dhigtay adeegyadooda marka ay isasoo dul-taagaan goobihii ay ku yaqiineen saaxiibadooda waxay galayaan xusuus qaraar. Mayara inta jeer oo halkan kobaha loogu baalashay: mana yara inta jeer oo ay qudaarta iyo rumay ka gateen saaxiibadii keeni jiray.

Dhisma walba oo halkan kasoo jeeda ayaa ku filan inuu ku fahamsiiyo xaddiga uu la ekaa wixii dhacay. In kasta oo gaadiidka u marayaan jidka dheer ee Afgooye sidii caadiga ahayd, haddana wax walba way is weydaaran yihiin halkan. Rakaabku ma ahan sidii hore: socotadu waxay ka hadlayaan indhaha.

Muuqaalka uu leeyahay is-goyska Zoobe oo hadda loogu yeerayo 14-ka October: dhab ahaan haddii loo micneeyo wixii ka dhashay, waa in xarumaha hareeraha ku yaalla, dadweynaha kala duwan ee goobta ka agdhow iyo qof walba oo halkan marin ka dhigtay ay kugu soo eegayaan fiiro argagax leh oo si cad uga turjumaya wixii ku dhacay.

In kasta oo dhismayaasha halkan ku yaalla ay heli doonaan dayac-tir iyo qurxin, haddana marna dib uma helayaan dadkii ku dhex ganacsan jiray. Waana gocasha-reenka muuqda oo aan sinnaba kaga tirmi doonin qalbiyada umadda. Xittaa haddii kuwii baxay booskooda lagu buuxiyo kuwii ay dhaleen ama la dhashay, wixii dhacay marnaba mayeelan doonaan madal lagu hilmaamo.

Waxa aan sidoo kale caddayn haddii dhiigii ka baxay wax u dhigma ehelladooda lagu sabirsiin karo: mana muuqato haddii kuwa nolosha u quuri waayay cadaaladda la marin doono. Waxaase si dayax u iftiimaya in tii Alle ay dhiman tahay oo Qiyaamaha la iska waydiin doono sababtii loo dilay?!

Hayeeshe waa tusaalaha wali nool oo ay muujinayaan dadkii halkan kula ganacsan jiray kuwii kaga baxay qaraxa midka ah dhaxalka kaliya oo laga baran karo sida dhiirran oo shuhadadii Zoobe ay nolosha u qaabileen. Farriinta aan hubo inay noo dhaafeen ayaana ah: haddii aad og tahay inaad maalintaada tagayso, gacan baa wax dhalisee, ha dhursugin ayaamaha: hana dhowrin maalmaha.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan