Home / Habka-Nolosha / Shan meelood meel dadka Jarmalka oo khiyaana saaxiibbadooda nolosha

Shan meelood meel dadka Jarmalka oo khiyaana saaxiibbadooda nolosha

Himilo -Ra’yi uruurin cusub ayaa muujisay in shan meelood meel dadka Jarmalka inay khiyaano ku sameeyaan saaxiibbadooda nolosha.

Natiijadda ra’yi uruurinta oo uu sameeyay machad ku yaalla Jarmalka ayaa tilmaamtay in 22.5% haweenka la wareystay inay khiyaano ku sameeyeen saaxiibbadooda nolosha ugu yaraan hal jeer.

Khiyaanada ragga oo ay ku sameeyeen haweenka uu ka dhaxeeyo xiriirka ayaa lagu qiyaasay 21.7% sida loo cuskaday qirashada ragga ka qeyb galay ra’yi uruurinta.

Khubarada ayaa xusay in sababaha khiyaanada lagu kala duwan yahay, haweenka ayaa la tilmaamay inay sameeyaan khiyaanada marka uu galo dareenka ah in aan la rabin.

Ku dhawaad 1069 qofood ayaa lagu wareystay ra’yi uruurinta, 79.6% haweenka ayaa la sheegay inay si weyn u aaminsan yihiin jaceylka dhabta ah halka ragga rumeysan yihiin 76.1%

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan