Home / Dhaqaale / Sharciyaynta lacagta Bitcoin oo ka billaabaneysa Africa

Sharciyaynta lacagta Bitcoin oo ka billaabaneysa Africa

Himilo – Waddanka dhaca bartamaha Africa ee Central African Republic (CAR) ayaa adeegsiga lacagta loo yaqaano (cryptocurrency) ka dhigay mid sharci ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Baarlamaanka dalkaas ayaa ugu codeeyay cod aqlabiyad leh in lacagta bitcoin-ka ay noqoto mid laga oggol yahay isticmaalkeeda waddanka ay la dageen dagaalada sanadaha jiitamaya. Madaxweyne Faustin Archange  ayaa saxiixay sharciga.

Codeynta sharcigan markay socotay waxaa hakiyay kooxaha hubeysan ee dalka ku hardamaya. Waxay sheegeen inuu yahay mid xadgudub ah. Dhanka kale, dhinacyada mucaaradka ayaa dhalleeceeyay sharciga oo ay tilmaameen inaan laga tashan.

Central African Republic waxay sidaas ku noqotay waddankii ugu horreeyay ee qaaradda oo dhan ka sharciyeeya lacagta bitcoin-ka. Waxaa uga horreeyay dalka El Salvador oo sanadkii hore bishii September sharciyeeyay adeegsiga bitcon-ka.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan