Home / Arrimaha Bulshada / Shirkada gawaarida ee BMW oo dib u soo celiseysa 1.3 million oo gawaari ciladeysan ah

Shirkada gawaarida ee BMW oo dib u soo celiseysa 1.3 million oo gawaari ciladeysan ah

Himilo-BMW waxay dib ugu celinaysaa 1.3 milyan oo gaari oo yaalla dalka Shiinaha oo ciladoobay ka hor inta uusan isticmaalin macaamiilkii laga iibiye, tilaabada dib loogu soo celinayo gawaarida waxaa horay looga sameeye dalka Maraykanka bishii la soo dhaafay.

Dib u celintani waxay saameyneysaa ku dhawaad 600,000 oo gaari oo lagu sameeyay Shiinaha intii u dhaxeysay 2005 iyo 2017 iyo in ka badan 750,000 oo gaari oo la sameeyay intii u dhaxeysay 2003 iyo 2018, sida ay sheegeen Maamulka Shiinaha ee Xakamaynta Suuqa.

Noocyada gawaarida dib loo soo celinayo waxaa kamid ah SUV-ga sida X1, X3, X4, X5, iyo X6.

Cilada ugu weyn ee gawaaridan dib loogu soo celinayo waa in qalad uu ka jiro bamka hawada ka soo saaro gaariga oo marka ay kululaado qarax sameynaya. taas oo keeni karta burburka ka dhasha in uu dhaawac gaarsiiyo rakaabka gaariga.

Tan iyo 2009-kii dhibaatada ka dhalatay qaraxa bamka gaariga waxaa u geeriyooday ugu yaraan 35 qof dalalka Mareykan-ka Malaysia iyo Australia.

Saraakiisha mareykanka ayaa bishii hore shirkada BMW ka dalbatay inay dib u celiyaan 390,000 oo gaari oo looga shakisay inay sameyn karaan qarax ka dhasha tubada hawada qaada.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan