Home / Macluumaad / Sidee faras yar uga mid noqday rakaabka diyaarada American Airlines?

Sidee faras yar uga mid noqday rakaabka diyaarada American Airlines?

Himilo –Faras yar ayaa lagu arkay garoonka magaalada Chicago ee dalka Mareykanka isaga oo taagan safka rakaabka ka raacaan diyaarada sida ay muujiyeen sawirro la baahiyay.

Sida uu qoray wargeyska Times ee Ingiriiska, faraska ayaa raacay diyaarada iyadoo sawirro kale caddeeyeen isaga oo gudaha diyaarada kula jira rakaaba oo uu la qaatay safarka.

Tani waxay kahor imaaneysaa dhacdooyinka caadiga ah oo xayawaanada loo oggol yahay keliya qeybta gaarka ah ee shixnadaha.

Sawirrada ayaa muujiyay faraska yar oo ku jira qeybta rakaabka ee diyaarada American Airlines oo sameynaysay duulimaad maxali ah.

Warar soo baxay ayaa tilmaamay in faraska uu qeybta rakaabka ee safka hore (VIP-da) uu la joogay qof watay.

Maamulka Mareykanka ayaa sheegay in xayawaanka faraska la marsiiyo hannaan ku dhisan shuruudo oo uu ku joogi karo qeybta rakaabka ee diyaarada.

Waxaa jira xayawaano badan oo la oggol yahay in lagu hayo qeybta rakaabka ee diyaarada si dadweynaha welwelsan ugu noqoto madadaalo ay ku illoobaan dhibaatooyinka heysta. Waxaa kamid ah xayawaanadaasi bisadaha iyo diggaaga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan