Home / Cayaaro / Solskjaer oo u sheegay United inay beddalka Pogba kala soo saxiixdaan Barcelona

Solskjaer oo u sheegay United inay beddalka Pogba kala soo saxiixdaan Barcelona

Himilo –Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in Manchester United ay lasoo saxiixato Ivan Rakitic si uu u beddalo Paul Pogba, sida laga soo xigtay wargeysyada Spain.

Pogba ayaa cadeeyay inuu doonayo inuu ka tago Old Trafford xagaagan, halka Real Madrid iyo Juventus ay xiiseynayaan xiddiga ku guuleystay ​​koobka adduunka.

Dhanka kale, Barcelona ayaa wajaheysa inay iska iibiso mid ka mida ciyaaryahanadeeda  muhiimka ah  iyagoo doonaya inay lacag badan ku bixiyaan Antoine Griezmann iyo Neymar, kaasoo sheegay inuu doonayo inuu ka tago Paris Saint-Germain, islamarkaana uu ku laabto Camp Nou.

Sida laga soo xigtay Sport, Solskjaer ayaa ku tilmaamay mid jahwareer ah xaaladda haatan ee Pogba, Rakitic ayaana u ah  dooqa koowaad ee beddelaya  booskiisa xiddiga reer France  ee ka tagaya United.

Warbixinta ayaa sheegaysa in United ay horay ugala hadashay Barcelona  heshiisyada Rakitic iyo daafaca dhexe ee reer France Samuel Umtiti lakiin dhawaanahan kooxda ka dhisan Premier League ayaa wax ka weydiisay keliya ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Croatia.

United ayaa la fahamsan yahay inay dalab u dirtay oo ah 35 milyan oo Euro oo u dhiganta(£30.5m) .

Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa u furan inay iibiso Rakitic, laakiin waxay dalbaneysaa ugu yaraan € 50m (43.6 milyan ginni) oo ay ku doonayaan 31 jirkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan