Home / Cayaaro / Solskjaer “Paul Pogba kama tagi doono Man United bisha Janaayo.”

Solskjaer “Paul Pogba kama tagi doono Man United bisha Janaayo.”

Himilo – Tababaraha kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku adkeystay in Paul Pogba uusan ka tagi doonin kooxda suuq furanka bishan Janaayo.

Ciyaaryahanka reer Farance ayaa si weyn loo hadal-hayay in uu bixi karo suuq furankan kaddib markii uu sheegay in uu doonayo isbadal cusub oo leh caqabadiisa bishii June.

Warbixino ayaa tilmaamay in Pogba uu daneynayo in uu ka tago garoonka Old Trafford bishan Janaayo xilli ay xiiseynayaan kooxaha Real Madrid iyo Juventus.

Isaga oo la hadlayay BBC, Solskjaer ayaa sheegay “Ma arki doontid Pogba oo baxaya bishan Janaayo.”

Pogba oo heshiiskiisa uu dhacayo muddo 18 billood gudaheed ah ayay kooxda Red Devils ku qiimeysay £150 Milyan.

Warar kale ayaa muujiyay in Inter Milan oo maamulaheeda Antonio Conte uu la soo shaqeeyay Pogba ay daneynayso ciyaaryahanka 26 jirka ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan