Himilo – Boqortooyada dalka Sucuudi Carabiya ayaa sanadkan 2022 waxaa ay xustay sanadguuradii 295aad ee markii ugu horreysay ee ay dal noqoto.
Sanadkii 1727dii ayuu Maxamed Bin Sucuud la wareegay maamulka Tuulada Diriya oo hadda ku taalla Galbeedka Riyaadh xilligaasna ahayn Magaalo weyn.
Boqor Salman ayaa ku dhawaaqay in 22 February ay tahay maalin fasax qaran ah, Dowladda ayaa qaban qaabisay dhowr munaasibadood oo ay ka midyihiin bandhig faneed markii ugu horreysay lagu qabtay Sucuudiga kaas oo ay ka qeyb galeen 3,500 oo qof oo soo bandhigay Ciyaaro kala duwan.
Sidoo kale Dowladda ayaa Calanka waddanka ku xaradhay Waddooyinka waaweyn, bandhigyo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ka mid ahaa dabaaldegga xuska sanadguurada 295aad ee boqortooyada Sucuudiga.
Taariikhyanadu waxaa ay sheegaan in Maalinkii uu Maxamed Bin Sucuud heshiiska la gaaray wadaadkii mayalka adkaa ee Maxamed Bin Cabdulwahaab ay ahayd maalinta la aas aasay Sucuudiga.
Boqorka Sucuudiga ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Sucuudiga xuska sanadguurada 295aad ee markii ay Boqortooyada Sucuudiga noqotay qaran jira.
Ra’isalwasaaraha Waddanka Pakistan Cimran Khan ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee u hambalyeeya boqortooyada iyo Shacabka Sucuudiga.