Himilo – Cabdullaahi Maxamed Cali (Shirwac) guddoomiyihii hay’adda Tubta Nabadda, ayaa habeennimadii xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kaddib muddo dhowr cisho ah oo uu xanuunsanayay, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.
Waxaa salaadda Janaasadda oo lagula tukaday masjidka Isbaheysiga Islaamka ka qeyb galay madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Shiikh Maxamed, ra’iisul-wasaare Rooble iyo xubno kale, waxaana lagu aasay mid ka mid ah qabuuraha magaalada Muqdisho.
Haddaba maxaan ka ognahay taariikh nololeedka Shirwac:
Sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay barnaamijka Raadreeb ee raadiya Himilo billawgii 2017-kii, C/laahi Maxamed Shirwac waxa uu ku dhashay baadiyaha magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud sanadkii 1950-kii, isaga oo yar ayaa la geeyay magaalada Buulle Barde ee gobolka hiiraan, halkaasi oo ku sugnaa laba sano kaddib na la keenay Xamar, si uu wax uga barto.
Waxbarashadiisa:
Dugsigiisii hoose waxa uu ku qaatay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halka midkii dhexe iyo sare na uu ku qaatay magaalada Muqdisho.
Waxabarashada sare ayuu u aaday wadankii la isku oran jiray Midowgii Suufiyeeti, waxa uu kusoo diyaariyay shahaadada 1aad iyo tan labaad ee heerka Jamaacadeed, isaga oo dalka dib ugu soo laabtay sanadkii 1987-kii.
Shaqadiisii u adeegidda bulshada: Burburkii Kahor
C/laahi Maxamed Shirwac, sida uu innoo sheegay shaqadiisa u adeegidda bulshada waxey kasoo billaabay degmadii uu ku noolaa ee Boondheere, halkaasi uu ka ahaa guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmadaasi.
Waxey taasi u sahashay inuu ka mid noqdo dhallinyardii kaalinta ku lahaa dhismihii hoteelkii Jubba iyo ol-olihii Bacaad celinta Shallaanbood.
Markii dowladdii milatariga ahayd ay go’aamisay in la qaado dagaalkii 1977-kii, waxa uu C/laahi Shirwac ka mid ah dad kasoo horjeestay oo dhaliilay go’aanka dowladda Kacaanka.
Isaga iyo intii la midka ahayd ba, waxaa uu muuqday in wado aan dagaal lahayn lagu soo celin karo dhulka ay innaga haysato dowladda Itoobiya, balse go’aankiisaasi waxa uu sababay in lagu xiro xabsigii labaatan Jirow.
Burburka Kaddib: Aas-aaskii Hay’adda Tubta Nabadda
Markii ay dhcday dowladii kacaanka waxa uu ka mid ah dadkii go’aansaday inaysan dalka ka bixin oo door ka qaataan nabadeynta iyo badbaadinta bulshada.
1995-kii ayaa Shirwac iyo xubno kale aas-aaseen hay’adda Tubta Nabadda (Peace Line), taasi oo uu ka ahaa guddoomiye kahor inta uusan geeriyoon. Ujeedka ugu wayn ee loo aas aasay ayaa ahaa in la xaliyo khilaafaadka sababay gacan ka hadalka ee dalka ka galiyay dagaalka sokeeye.
Laba sano kaddib aas aaska hay’adda, 1998-kii waxey billaabeen ol-ole lagu illaalinayo goobaha waxbarashada. Boorar ay ku xardhan yihiin fariimo tilmaamaya in dugsigu mudan yahay in la dhowr xilliyada colaadda ayey ka taageen afaafka hore ee ku dhawaad 25-dugsi oo ku yaalay Muqdisho.
Waxaa sidoo kale ol-olahaasi lagu wacyi-gelinayay dhalinta dhiganeeysa dugsiyada, waxaana la barayay sida ay qeyb uga noqdaan xalinta khilaafaadka yar yar ee sababi kara gacan ka hadal dhex mara saaxiibadood iyo dadka kale.
Marka laga yimaado ol-olahaasi waxa uu dhanka kale qeyb ka ahaa dad isu taagay in la caawiyo dadkii ay saameyn tabani ku yeelatay abaartii dalka ka dhacay sanadkii 1992-kii.
Doorkiisii dowlad dhiskii dalka
Shirk waynihii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jibuuti sanadkii 2000-kii, ayuu ka qeyb galay C/laahi Maxamed Shirwac, isaga oo xilligaasi ahaa xiriiriyaha ururada Bulshada Rayidka oo ay horboodayeen hay’adaha INXA iyo KOKWO.
Gadoodgii ay sameeyeen tira haween ah oo doonayay inay qoondo ka helaan dowladda la dhisayo ayuu ka mid ahaa xubno ku taageeray, isaga oo door ku lahaa isku soo dhaweynta soomaalidii isdiidaneed.
Dowladdii lasoo dhisay ee uu madaxweyne ka noqday C/qaasim Salaad Xasan ayaa u magacawday C/laahi Maxamed Shirwac wasiirka Dib u heshisiinta, inkasta oo uu qaadacay inuu ka mid noqdo xukuumadda.
Midkii xigay ee la qabtay 2004-tii ee lagu soo doortay allaha u naxariistee Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayuu ka qeyb galay dhismaheeda isaga oo matalaya mar kale ururada bulshada rayidka. Inkasto oo lasoo dhisay dowladaasi hadda waxaa ragaadiyay khilaafaad u dhexeeyay xukuumadda oo uu wehliyo Madaxweynaha iyo golaha Baarlamaanka ee dowladdii ku meel gaarka ahayd.
Waxa uu hormuud u ahaa isku dayo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafaad u dhaxeeyay maleeshiyo ay kala hogaaminayeen Shaati Guduud, Aadan Madoobe iyo Cabdalla Deerow, kuwaasi oo isku hayay gacan ku haynta gobolada Bay iyo Bakool.
Kulan uu mar kula qaatay Nairobi seddaxdan hogaamiye, ayey ugu ballanqaadeen inaysan mar kale dagaalmi doonin, nasiib darrose maalinkii xigay ba waxaa dagaal ka qarxay Beydhabo.
Kaddib markii dowladdii ku meel gaarka ahayd fariisin ka dhigay Beydhabo, waxaa magaalada Muqdisho ka billawday dhaqdhaqaaqyo lagu dhisayo maxkamado, kuwaasi oo billow u ahaa dhismaha ururkii Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.
Waxaa Iyana la dhisay ururkii la dagaalanka argagaxisada oo dhaqaale ka helayay dowlado u badan reer Galbeed. Si looga baaqsado dagaal mar kale ka dhaca Xamar Shirwac waxa uu xubin ka ahaa rag doonayay in la wada hadalsiiyo Ururkii Maxaakiimta Islaamiga iyo ururkii la dagaalanka Argagixisada.
Xubno bulshada rayidka ah oo uu ku jiro, ayaa wadanka Jibuuti kulan kula qaatay sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka, inkasta oo ay u gudbiyeen codsigoodii ahaa in ururka la dagaalanka argagaxisada laga jaro dhaqaalaha la siiyo haddana ma noqon mid la aqbalay.
Ujeedka codsigaasi waxa uu ahaa in la helo wado ay ururka ku ogolaan karaan wadahadalka dhex mara iyaga iyo Maxaakiimta Islaamiga ah.
Waxey markii uu dagaalku ka qarxay Caasimadda, Beydhabo kulan kula qaateen Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo ra’iisul wasaare Cali Geedi, waxey ka codsadeen in ragga xubnaha ka ah ururkaasi ee xilalka isugu jira wasiiro iyo xildhibaanada ka haya dowladda loogu yeero shaqadooda si colaadda loo qaboojiyo, taasina waxa uu noqday dadaal dhicisoobay.
Kaddib markii ay dib ugu soo laabteen Muqdisho waxey taageereen dhaqdhaqaaqii Maxaakiimta, Bilooyin deganaansho ah kaddib na marka kale waxey caasimaddu noqotay goob colaadeed.
Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, ayaa C/laahi Maxamed Shirwac u magacowday gudoomiyaha hay’adda Mareynta Masiibooyinka oo markaasi uun la aas aasay. Isaga iyo dhowr xubnood oo kala mid ahaa waxey hormuud u noqdeen in Hay’adda yeelato xafiis rasmi ah, qalab iyo sharciyo ay ku shaqeyso.
Waxa uu mudadaasi si quman u maamulay deeqihii loogu talagalay abaartii dalka ka dhacday sanadkii 2010-kii, isaga oo ka qaatay kaalin aan la dafiri Karin isku xirkii gurmadka. Waxa uu qeyb ka ahaa xallinta khilaafaadkii u dhaxeeyay wasaaradda Waxbarashada iyo dalladaha waxbarashada dalka, dadaalkaasi oo keenay in ugu danbeyntii dowladdu qaado imtixaan mideysan sanad dugsiyeedkii 2014-15.
Marka laga yimaado Tubta Nabadda, waxa uu sidoo kale xubin ka noqday hay’adda isku xirka nabadda iyo xuquuqul insaanka ee INXA. 2012-kii waxa uu noqday madaxda gudigga agaasinka hay’adda jilaayaasha aan dowliga ahayn ee SOSCENSA, xilkaasi oo uu hayay muddo afar sano ah.
Mudadaasi waxa uu hogaamiyay dadaalo shaqada Hay’adda lagu gaarsiiyay gobolada kale ee dalka, kaasi oo horseeday inay SOSCENSA xarumo ku yeelato magaalooyinka Beydhabo, Jowhar, Kismaayo, Gaalkacyo, iyo Cadaado.
Intii uu jiray safarka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxa uu ku waayay saaxiibo ay safar wadaag ahaayeen sida Elman Cali Axmed iyo Istarliin Cabdi Caruush, oo labaduba ahaa samafalayaal xilli adag kazoo shaqeeyay dalka.
“Dadkeenna aan u gurmano”, waxey ahayd oraahdii ugu danbeysay ee wareysigii uu siisay Radio Himilo billowgii sanadkii 2017-kii.