Himilo- Duqa magaalo kamid ah magaalooyinka dhaca waqooyiga Talyaaniga ayaa go’aansaday in uu gabbaad siiyo 20 bisad oo barakac ah si dadweynaha looga ilaaliyo culeyska bisadaha.
Marco Pacini ayaa ah duqa magaalada Bagno di Romagna ee dhacda waqooyiga Talyaaniga, isaga qudhiisa ayay ka timid aragtida go’aanka uu qaatay.
Tani waxay ka danbeysay cabasho badan oo ka timid dadka deegaanka oo dalbaday in gabbaad loo raadiyo bisadaha barakaca ah ee qalqalka ka wada magaalada.
Nasiib xummo, duqa magaalada Bagno di Romagna ma uusan la gaarin heshiis hay’adda xayawaanada qaranka Talyaaniga ee ENPA si loogu oggolaado xannaaneynta bisadaha.
Isaga oo faallo ka dhiibanayay go’aankiisa ayuu yiri “Dhib kuma qabo bisadaha, haddii tani culeys ka fududeynayso dadkeyga, waa arrin I farxad gelinaysa.”