Home / Arrimaha Bulshada / WHO oo wajahaysa dhibaato dhaqaale oo halis ah kadib go’aannadii maamulka Trump

WHO oo wajahaysa dhibaato dhaqaale oo halis ah kadib go’aannadii maamulka Trump

Himilo – Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa furay shirweynihiisii sannadlaha ahaa iyadoo uu wajahaya mid ka mid ah caqabadahii dhaqaale ee ugu darnaa 77 sano, kadib go’aankii maamulka Trump ee ahaa in Maraykanku yareeyo taageerada dhaqaale ee ururka isla markaana uu ka baxo guud ahaan hay’adda.

Awoodda WHO ee ka hortagga cudurrada halista ah sida COVID-19, Ebola iyo dabaysha ayaa si weyn hoos ugu dhacday, iyadoo taageeradii dhaqaalaha ee reer galbeedka si xawli ah u yaraatay, sababo la xiriira mudnaanta ay siinayaan qarashaadka militari.

Agaasimaha Guud Tedros ayaa sheegay in xaaladda hadda jirta ay tahay mid adag, wuxuuna xusay in ururku u baahan yahay taageero dhaqaale oo joogto ah si loo fuliyo waajibaadkiisa caalamiga ah.

Shirka, oo socon doona sagaal maalmood, qodobada diiradda la saari doono waxaa ka mid ah;

Korodhka Miisaaniyadda Sannadlaha ah – Wadamada xubnaha ka ah WHO ayaa la filayaa inay oggolaadaan in la kordhiyo lacagaha waajibka ah ee ay bixiyaan illaa 20%, si loo yareeyo ku tiirsanaanta deeqaha ikhtiyaariga ah ee dawladaha.

Shirkan ayaa u muuqda mid lagu doonayo in dib loogu dhiso kalsoonida iyo awoodda WHO ee hoggaaminta caafimaadka adduunka..

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan