Home / Cayaaro / Willian oo ka hadlay mustaqbalkiisa Chelsea

Willian oo ka hadlay mustaqbalkiisa Chelsea

Himilo – Willian ayaa ka dhawaajiyay in uu sii joogayo kooxda Chelsea illaa wixii ka daneeya xagaagan inkasta oo kooxda ay isku-garan waayeen heshiis cusub.

Keliya iyada oo muddo afar billood ah uu ka harsan yahay qandaraaskiisa haddana madaxda Chelsea ayaa u muuqda in aysan dooneyn inay ka jawaabaan dalabaadka lacageed ee cayaaryahanka mudada dheer u cayaarayay kooxda.

“Ma aqaan illaa iyo immika, ma jiro wax dalab ah oo iiga yimid koox kale, hadda waxaa socda wadahadallo aan kula jiro Chelsea,” Willian ayaa sidaasi u sheegay ESPN.

Willian ayaa dhaliyay 6 gool islamarkaana caawiyay lix kale xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan