Himilo – Xogta iyo xaqiiqooyinka ilaa hadda laga hayo Africa waa arrin xiisaheeda leh. Maxaad ka og tahay? waa guriga 54 dal, Waxaa mara labada dhul bare (Equator and Prime Meridian). Waxaa ku yaala meelaha ugu kulul caalamka. Balaca dhuleed ee qaaradda waa 30,370,000 km2. Dunida waxay ka noqoneysaa 20%. Sidaa awgeed, waxay gashay kaalinta labaad dhanka waynaanta iyo dad badnida. Asia ayaa hadda booska koobaad haysata. Algeria waa dalka ugu ballaaran Africa. Waxay ku fadhidaa 2,381,741 km2. Waxaa ku xiga Democratic Republic of Congo 2,344,858 km2. dalka ugu yar waa Gambia oo leh hal jaamacad. Xayawaanka ugu weyn bariga waa maroodi oo qaadi kara 7 Tan, ka ugu dheerna waa Geri oo u gaar ah qaaradda. Raha ugu weyn dunida ayaa laga helaa Cameroon iyo Equatorial Guinea.
Africa waxay hoy u tahay 25% shimbiraha dunida. Buurta ugu dheer ee qaaradda waa Kilimanjaro (5 895 meters) Tanzania. Harada ugu weyn waa Lake Victoria oo u dhaxeysa Kenya, Uganda iyo Tanzania. Biya-dhaca ugu dheer waa Tugela Falls oo ku yaal South Africa. Webiga ugu dheer waa Nile oo isaga gudba dhawr dal. Jaamacadda ugu da’da weyn waa Timbuktu oo ku taal Mali. Badaha ku hareereysan waa Badda Cas, Indian Ocean, Mediterranean Sea iyo Atlantic. Africa waxaa ku yaal Saxaro ku fadhiga 9 200 000 km² (ka ugu weyn dunida) waxa uu ka weyn yahay China iyo USA. Waddamada ugu dadka badan; 1– Nigeria 200,963,599, 2- Ethiopia 112,078,730, 3- Egypt 100,388,073, 4- DR Congo 86,790,567, 5- South Africa 58,558,270.
Africada madow waxaa lagaga hadlaa ku dhawaad 2000 oo af, sida ay qabaan dhawr hay’adood oo ay ka mid tahay UNESCO. Ka hor gumeystihii waxaa ka jiray 10,000 oo maamul ama qabiil oo mid weliba uu lahaa luuqad u gaar ah. Africa waxaa sii kordhaya bulshadeeda, aqoonyahanada ayaa saadaalinaya in sannadka 2050 dadka qaaradda ay gaari doonaan 2 bilyan. halka ay hoos u sii dhacayso tirada dadka reer galbeedka. Dalalka ugu amaanka fiican wakhtigan; 1- Mauritius 2- Botswana, 3- Namibia. Jaziiradda ugu weyn waa Madagascar, ta ugu yarna waa Seychelles. Magaaladaa ugu dadka badan Lagos oo hoy u ah 21 milyan. Diinta islaamka ayaa ta koobaad ka ah waxaa ku xiga tan Christianity . Arabiga waxaa ku hadla 170 milyan, Engiliishka 130 milyan, Swahili 100 milyan , French 115 milyan.
50% bulshooyinka ku hadla Faransiiska waxay ku nool yihiin halkan. Ethiopia waa dalka keliya ee Africa ka leh xuruuf u gaar ah oo la yiraahdo Ge’ez. 30% macdanta dabiiciga ee dhulka waxay ku jirtaa Africa. Intii u dhaxaysay 1525 and 1866, gumeystihii waxa uu Africa adoonsi ahaan uga afduubtay 12.5 milyan. Dadka ku hadla afka Portuguese ee ku nool Angola waxay ka badan yihiin kuwa Portuguese ee luuqadda u dhashay. Equatorial Guinea waa dalka keliya ee qaaradda looga hadlo Spanish .Qaar ka mid ah dalalka qaaradda waxaa loo arkaa kuwa ugu musuq-maasuqa badan dunida .40% dhallinta Africa waa kuwo aan wax baran waxay u badan yihiin dumar.
Marka la eego ilaalinta xuquuqda haweenka Rwanda oo dhacda bariga Africa ayaa kaga wanaagsan USA, France Iyo Britan, keliya waddamada Scandinavian ayaa kaga horeeya dhawridda xuquuqda haweenka. Yaxaaska iyo libaaxyada marka laysku geeyo dadka ay dilaan waxaa ka badan kuwa u nolol seega Jeerta ku nool deegaankan. Meelo ka mid ah qaaradda waxaa ka jira baad iyo biyo xumo. Celcelis haweenka iyo caruurta maalin kasta waxay lugeeyaan 3 miles si ay u helaan biyo. Africa waxaa ku badan goobaha taariikhiga. Waxaa jira 135 xarun oo u diwaan gashan hay’adda UNESCO. China waa maal-galiyaha ugu weyn ee dhulkan. Waxaa si sannadle ah u dhex mara in ka badan $300 bilyan. Sida laga soo xigtay Forbes shirkado ka badan 10,000 oo laga leeyahay China ayaa ka hawl gala Africa. Qiyaastii hal milyan oo Chinese ah ayaa hadda ku nool qaaradda.
W/Q :- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Haaddi)
Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com