Himilo – Abaalmarinta Ballon d’Or ayaa soo laabatay ka dib hal sano oo nasasho ah maalintii Isniinta, iyadoo 30 ciyaartoy ay ku tartamayeen in loo caleemo saaro ciyaaryahanka ugu fiican adduunka sanadkii la soo dhaafay.
Lionel Messi ayaa ahaa ninkii ugu dambeeyay ee qaaday horyaalka, iyadoo abaalmarinta la kansalay sanadkii hore sababo la xiriira masiibada Covid-19.
Laakiin kaliya maaha xiddigaha qaab ciyaareedka fiican sameeyay ee loo magacaabay in ay ku guulaysteen abaalmarinta Ballon d’Or iyaga oo magacyo kala duwan oo aan caadi ahayn ay kusoo baxeen liiska musharaxiinta.
Midkoodna uma soo dhowaan inay guulaysataan billadan tobankii sano ee la soo dhaafay ay maamulayeen Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Markii loo caleema saaray messi hadda billadan oo uu hantiyay markiisii 7aad ee taariikhda uu ku sameeyay, ayaa waxaan eegi doonaa 11 ciyaartoy oo aad iloobi doonto in la magacaabay.
Dean Saunders (1991)
Inkasta oo uu qayb ka ahaa kooxda Derby County oo badisay keliya shan kulan xilli ciyaareedkii oo dhan oo ay u laabatay heerka labaad, Dean Saunders ayaa isku arkay liiska musharixiinta ee Ballon d’Or.
Saunders ayaa abaal marinta kula tartamay Lothar Matthaus iyo Marco Van Basten oo dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkaas.
Ugu dambayntii waxa uu ku dhammaystay booska 13-aad ee codbixinta waxana uu naftiisa ku kasbaday u dhaqaaqista xagaaga ee Liverpool ka dib markii Derby ay laabatay.
Gennaro Gattuso (2006)
Ciyaaryahanka adag ee kubbadda cagta Talyaaniga, Gattuso ayaa ahaa waji la yaab leh oo ku jira liiska 2006-kii marka loo eego tayada caadiga ah ee musharaxiinta.
In kasta oo uu xilli-ciyaareedkaas kula guulaystey koobkii adduunka ee Italy, isaga oo iska dhigaya, xiddiga khadka dhexe ma ahayn xiddiga ugu hibada badan.
Gattuso ayaa ugu dambeyntii ku dhameystay kaalinta 15-aad, isagoo Cristiano Ronaldo iyo Messi ka sarre maray.
Ally McCoist (1987)
McCoist waxa uu xiddig u ahaa koox Rangers ah oo ku guuleysatay koobkii ugu horreeyay ee sagaal koob oo Iskotish Premiership ah oo xiriir ah.
Scot wuxuu dhaliyay 34 gool xilli ciyaareedkaas, isagoo ku dhameystay kaalinta 21aad ee codbixinta, waxaana uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee ka socda waddankiisa ee loo magacaabo.
Asamoah Gyan (2010)
Sunderland oo u sharaxan abaal marinta Ballon d’Or waxay u muuqataa wax aan macquul ahayn wakhtigan marka la eego halganka ay ugu jiraan League One.
Laakiin taasi waa tii 2010-kii markaasoo xiddigga Ghana Asamoah Gyan uu isku arkay liiska musharaxiinta.
Taas ayaa inta badan sabab u ahayd doorkii uu ka ciyaaray koobkii adduunka ee xagaagaas, kaas oo ay Ghana ku gaadhay afar dhamaadka halka Gyan uu ku dhamaystay kaalinta 18-aad ee Ballon d’Or.
Andy Cole (1999)
Waxa laga yaabaa inuu yahay gooldhaliyaha labaad ee ugu sarreeya taariikhda Premier League, laakiin Andy Cole ayaa weli dareemaya inay dad badani qiimeeyeen.
Waxa uu ka caawiyay in ay Manchester United ku guulaysato xilli ciyaareedkaas seddexley koobab ah, iyadoo Cole uu ka mid yahay lixdii xidig ee man Ubited ee loo magacaabay.
Inkasta oo uu goolal lahaa , haddana waxa uu ku guul daraystay in uu aqoonsi ka helo ra’yi ururintaas, isaga oo si wadajir ah xidigo ugula dhammaystay liiska kuwa ugu hooseeya ee kala sarraynta.
Tim Cahill (2006)
50 ciyaartoy ayaa markii hore u sharaxnaa abaal marinta Ballon d’Or ka hor inta aan la go’aamin liiska musharixiinta, iyadoo Tim Cahill uu liiskaas soo galay 2006dii.
Intii uu ahaa geesiga Everton, magacaabista ayaa ahayd mid la yaab leh, maadaama uu ahaa Toffees-kii ugu horreeyay muddo 18 sano ah oo liiska ku jira.
Waxa uu ciyaaray door iyadoo Australia ay gaartay 16-kii ugu dambeeyay Koobkii Adduunka 2006, laakiin wuxuu ku guuldarreystay inuu ka mid noqdo musharixiinta u sharaxan Ballon d’Or.
Jamie Carragher (2005)
Keliya hal daafac ayaa waligiis ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, laakiin sanad ka hor inta uusan Fabio Cannavaro noqonin ciyaaryahankii ugu horreeyay, Jamie Carragher ayaa loo magacaabay.
Astaanta Liverpool ayaa qayb muhiim ah ka ahaa kooxdii ku guulaysatay Champions League, laakiin waxa loo yaqaanay difaac dhexe oo aan macno lahayn marka loo eego difaac dhaqameed.
Saaxiibkii Steven Gerrard ayaa ku dhameystay kaalinta seddexaad codbixintii sanadkaas, iyadoo Carragher uu ku dhameystay 7 boos oo uu ka hooseeya kabtankiisa.
Yuri Zhirkov (2008)
Tartamada ayaa saameyn weyn ku leh liiska musharixiinta ee Ballon d’Or, taasoo sharraxaysa ka mid noqoshada Yuri Zhirkov ee 2008.
Ruushka ayaa gaaray semi-finalka Euro 2008 isagoo ka soo kacay booskiisa difaaca, ka hor inta uusan 18 milyan ginni ugu dhaqaaqin Chelsea 2009kii.
Ku darida ninka CSKA Moscow waxay ahayd mid aan caadi ahayn inkastoo ay tahay wax yar oo la yaab leh inuu ku dhameystay meesha ugu hooseysa codbixinta.
Gary Pallister (1991)
Xidigo badan oo Manchester United ah ayaa u sharaxnaa abaal marinta Ballon d’Or, laakiin magaca Gary Pallister si sax ah maskaxda uguma hayn.
Laakiin Pallister ayaa dhab ahaantii ku jiray liiska 1991-kii ka dib markii uu ka caawiyay United inay ku guuleysato Koobka European Cup Winners’ Cup.
Ugu dambayntii waxa uu ku dhammaystay kaalinta 21-aad ee codbixinta, isla bookii Laurent Blanc, Gheorghe Hagi iyo Ruud Gullit.
Rui Patricio (2016)
Mid kale oo ka faa’ideystay tartan guul leh ayaa ahaa Rui Patricio, kaasoo Euro 2016 kula guuleystay Portugal.
Kaliya hal goolhaye ayaa waligiis ku guuleystay Ballon d’Or waxaana kusoo dhawaaday goolhayaha markaas Sporting Lisbon.
Waxa uu ku dhameystay kaalinta 12-aad ee la yaabka leh codbixinta, isagoo ka sare maray Zlatan Ibrahimovic, Kevin de Bruyne, Andres Iniesta iyo Robert Lewandowski.
Traianos Dellas (2004)
Waxa la odhan karaa in musharraxa ugu yaabka badan taariikhda Ballon d’Or uu yahay difaaca Giriigga ee Traianos Dellas.
Dellas wuxuu ahaa mid ka mid ah afar ciyaartoy oo xulka qaranka Giriiga ah ee loo magacaabay sanadkaas, isagoo ku guuleystay xagaagaas Koobka Qaramada Yurub.
Waxaa cajiib ah in laacibkii hore ee Sheffield United uu ku guuleystay codad ku filan oo uu ku dhameystay meel ka saraysa Zinedine Zidane iyo Luis Figo oo ay ku wada jiraan kaalinta 17-aad.
W.Q: Hanaa Maxamed Maxamud