Himilo – Qof kasta oo muslim ah waxaa ku waajib ah inuu bixiyo ama laga bixiyo Dakara Soon (Sakaatul Fidri) marka ay dhalato bisha soon fureed. Waa sako laga bixiyo qofka muslim ah sanadkiiba mar iyadoo aan loo fiirineynin da’diisa iyo jinsiga uu yahay.
Xilliga ugu wanaagsan ee ay tahay in la bixiyo waa inta aan la tukan salaadda ciidda. Balse culimada ayaa qaba in la bixin karo bisha Ramadan oo dhan.
Raashinka loogu adeegsiga badan degaanka aad joogto ayaa lagu taliyaa in lagu bixiyo Sakaatul Fidriga. Afar madaal ayaa qofkiiba la bixiyaa ama labo kiilo 2.5.
Dadka ugu mudan ee ay tahay in la siiyo raashinka waxaa ka mid ah kuwa la daalaa dhacaya duruufaha nolosha si ay farxadda qeyb uga noqdaan maalinta ciidda.
Sakaatul Fidriga waxay soonkii qofka u tahay kab xoojiya waxyaabihii uu ka gaabiyay. Waxay sidoo kale caawin u tahay masaakiinta fara maran.