Home / Macluumaad / Yaa ku guuleystay tartanka caalamiga ee xambaarista xaasaska?

Yaa ku guuleystay tartanka caalamiga ee xambaarista xaasaska?

Himilo -Lamaane u dhashay Lithuania ayaa ku guuleystay tartanka caalamiga ah ee qaadista ama xambaarista xaasaska sida laga soo xigtay dadka qaban qaabiyay tartanka.

Vytautas Kirkliauskas iyo xaaskiisa Neringa Kirkliauskiene ayaa ku soo baxay kaalinta koowaad iyadoo ninka uu xambaarsanaa xaaska 1 daqiiqo iyo 6.72 ilbiriqsi.

Inkastoo ay difaacdeen kaalinta tartankan lagu qabtay Finland haddana qiimeynta la sameeyay ayaa muujisay inay ka hooseeyaan heerka sannadkii hore.

Mr Vytautas iyo marwadiisa ayaa si dirqi ah uga baxsaday ninka ku guuleystay tartanka 6-da jeer ee Taisto Miettinen kaasi oo garabkiisa ahayd Katja Kovanen.

Lamaane  kale oo u dhashay Finland ayaa yimid kaalinta seddexaad ee tartanka caalamiga ah ee qaadista ama xambaarista xaasaska.

Roob xooggan oo da’ay ayaa saameyn ku yeeshay dhibcaha tartamayaasha ka qeyb galay tartanka la qabto sannad kasta tan iyo 1992.

Waxaa iska diiwaan geliyay ku dhawaad 12 qof oo matalayay dalalkooda sida Australia, Britain, Croatia iyo Jarmalka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan