Home / Macluumaad / 19 November – Maalinta Caalamiga ee Suuliga ama Musqusha.

19 November – Maalinta Caalamiga ee Suuliga ama Musqusha.

Muqdisho – Taniyo sanadkii 2013-ka, QM ayaa 19-ka November sanad kasta u aqoonsatay Maalinta Caalamiga ee Suuliga ama Musqusha si loo asteeyo baraaruga caalamiga ah ee la xiriira muhiimadda helitaan ee musqulo iyo doorkooda la xiriira nadaafadda iyo caafimaadka adduun-weynaha.

Wadajir waxaan ku sameyn karnaa musqulo iyo nadaafad guud oo qof kasta uu heli karo. Waxaanse u baahannahay inaan ogaano dhibaatada maanta oo kale la is xusuusiyo. Taas waa dhanbaal lagu qoray barta mu’assasada Global Giving Foundation.

40% duni oo dhan – ama in ka badan 2.4 bilyan oo qof ayaan heysan nadaafadda  habboon ee nolosha. Labadii boqol ee sanadood ee lasoo dhaafay, isticmaalka musquluhu waxay cimriga bani’aadanka ku kordhiyeen 20 sanadood oo dheeri ah.

Qeyb kamid ah hiigsiga 2030-ka ee ahdaafta horumarinta joogtada ah, QM ayaa quudarreynaysa hubsashada helitaanka biyo iyo nadaafad sarreysa ifka oo dhan. Dunida qaar, dadku waxay sitaan moobilo ay ku hadlaan in ka badan inta ay heli karaan musqulo ay isticmaalaan siiba dalka Hindiya.

Hufnaan la’aanta iyo uskagu waxay sare u dhigaan halista macluusha iyo cudurrada gaar ahaan carruurta iyo haweenka.

Cudurka Shuban-biyoodku waa sababta labaad ee dhimashada carruurta ka yar da’da shan sano jirka, waxaana gebi ahaantiis looga hortagi karaa helitaanka biyo nadiif ah iyo musqulo hagaagsan.

Halkii doolar ee lagu maal-geliyo helidda biyo nadiif ah iyo dhisitaanka musqulo hagaagsan, waxaa jira $4.3 oo rogaalkeeda lagu celiyo daryeelka caafimaadka ee dhibaatooyinka ka dhasha.

3 sano oo kamid ah cimriga noloshaada waxaa ku bixisaa booqashada Musqulaha. Gacmaha oo la iska dhaqo, waxay badbaadin kartaa nolosha dhallaan gaaraya 3.5 milyan sanad walba.

Dalka Hindiya wuxuu kamid yahay dalalka maanta oo kale loo dabaal-degayo Maalinta Caalamiga ee Suuliga ama Musqusha uu aad u quseeyo. Taniyo muddaba, adeegsiga musqulo hagaagsan ma ahayn dhaqan dalka oo dhan laga hir-galiyay. Si arrntaas loogu baraarugsanaado ayuu Mahatma Gandhi yiri; “Nadaafaddu aadbay uga muhiimsan tahay xurriyadda.”

In ka badan 70% dadka Hindiya waxay ku nool yihiin miyiga. 54% muwaadiniinta dalka oo dhan ku nool – miyi iyo magaalaba – malahan musqulo dhisan oo ay galaan. Mana ahan faqriga oo kaliya sababta u diidaysa inay dhistaan suuli ama musqulo ay isticmaalaan. Caado dhaqameedka ay rumeysan yihiin – oo ah in gudaha iyo bannaanka guryaha oo laga dhiso musqulo ay ku keeni karto nadaafad-darri – ayaa u diidaysa.

Tani waxay keentay mushkilado wejiyo kala duwan leh oo bulshada kala kulanto. Maadaama ay tahay wax iska caadi in bannaannada lagu saxaroodo, bacteriyada kala dhalata waxay dhalisaa cudurrada ka dilaaca hawada, biyaha iyo wixii lamidka ah.

Haweenku waa kuwa ugu nugul qeyb ahaan. Waxay meel fog u aadaan inay ku soo saxaroodaan. Tani waxay u nugleysaa kufsi lagula kaco ama gaboodfallo kale oo loo geysto.

Dhanbaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, RW Narendra Modi wuxuu shacabkiisa ugu yeeray inay dowladdiisa ku gacan siiyaan hiigsigeeda ah helidda musqulo laga dhiso guri kasta oo Hindiya kamid ah. Hadafkiisa dhow wuxuu yahay in lasoo af-jaro dhaqanka ku saxarooshada bannaanka sanadka 2019-ka.

Mana ahan dadaalka dowladda oo kaliya. Shirkadaha aflaamta sida Bollywood waxay dadaal ugu jiraan inay bedelaan aragtida laga qabo yeelasho la’aanta musqulo la isticmaalo.

Tusaale ahaan, filim loogu magac-daray Toilet ama Suuli oo lagu doonayo in sare loogu dhigo doonista dhismaha musqulo badan ayaa soo baxay sanadkan. Jilaaga filimkan Akshey Kumar oo Soomaalidu u taqaan Masterboon ayaa jeclaanaya gabar ay isku barteen magaalada, wuxuuna usoo guurinayaa degmada ay degan yihiin reerkiisa oo ah meel aan laga isticmaalin musqulaha. La-qabsi la’aanta dhaqankan qariibka ah awgiis, afada cusub waxay ka dheeraanaysaa noloshiisa. Si uu haddaba dib ugu soo celiyo degmadiisa, wuxuu qasab ka dhigayaa in guriga dhexdiisa looga dhiso musqul ay isticmaasho.

Taas oo ugu danbayn marka uu ku guuleysto ay dadka kale ee degmada ku nool qaadayaan tallaabadiisa oo kale.

Kol hore waxaa gobollo kamid ah Hindiya ka dhaqan-galay doonista ah in gabar walba oo la guursanayo loo sameeyo musqul ay isticmaasho – waana shardiga koobaad ee gabadha loogu guurinayo inankii ay nolosha la wadaagi lahayd.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan