Himilo – Ku dhawaad 5 Milyan qofood ayaa ka tagay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha tan iyo markii uu halkaasi ka dillaacay caabuqa Corona kahor inta aan magaalada laga sameyn xarumo karantiil si loo joojiyo fiditaanka xannuunka.
Toddobaadyo kaddib markii ay soo baxeen wararkii ugu horreeyay ee caabuqa aan la garan, malaayiin qofood ayaa ka tagay magaalada Shiinaha ku taalla iyaga oo adeegsanaya gaadiidka dadweynaha, tareenada iyo diyaaradaha.
Sida uu qoray wargeyska ka soo baxa dalka Ingiriiska ee Daily Mail, mas’uuliyiinta magaalada Wuhan ayaa markii danbe xeray xudduuda magaalada 23-kii bishii Janaayo.
Isaga oo la hadlyay saxafiyiinta kahor dhowr maalin inta aan magaalada laga sameyn xarumo lagu karantiilo dadka, duqa magaalada ayaa xusay in 5 milyan qofood ka tageen Wuhan.
Caabuqa Corona oo xeeldheerayaasha caafimaadka aysan u helin dawo ayaa galaaftay nolosha kumanaan qofood. Waxaa la xannuunsan inkale oo badan.