Home / Cayaaro / Liverpool oo u dhaqaaqi karta weeraryahanka RB Leipzig ee Werner

Liverpool oo u dhaqaaqi karta weeraryahanka RB Leipzig ee Werner

Himilo – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheynayso u dhaqaaqista weeraryahanka kooxda RB Leipzig Timo Werner xilli danbe oo sannadkan ah.

Isaga oo dhaliyay 23 gool oo horyaalka Bundesliga ah xilli cayaareedkan, Werner ayaa la tilmaamay in uu u dhaqaaqi karo mid kamid ah kooxaha waaweyn ee Yurub.

Iyada oo la soo wariyay in Chelsea xiiseynayso haddana Liverpool ayaa si weyn loola xiriiriyay cayaaryahanka Jarmalka ah.

Sida laga soo xigtay  James Pearce oo katirsan The Athletic, Liverpool ayaa qorsheynaysa inay dalab u dirto cayaaryahanka 23 jirka ah suuq furanka xagaaga.

Iyada oo Sadio Mane iyo Maxamed Salah la filayo inay wakhti ku bixiyaan koobka Qaramada Afrika, Jurgen Klopp ayaa doonaya in uu xoojiyo weerarkiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan