Himilo – Guud ahaan marka aynu ka hadleyno arrimaha qoyska, qoysku wuxuu ka kooban yahay aabbe, hooyo iyo carruurta, waa tirade ugu yar xubnaha uu ka kooban yahay qoysku. Waa uu kasii badnaan karaa waxay ku xiran tahay hadba inta uu le’egyahay.
Aabbuhu waa lafdhabarka reerka, masuulka reerka iyo hoggaanka qoyska wuxuuna qayb laxaadleh ka qaataa barbaarinta ubadkiisa iyo daryeelka xaaskiisa. Waxaa looga baahan yahay Aabaha inuu carruurtiisa saaxiib la noqdo markasta oo uu ka war hayo xaalad kasta oo la soo derista. Maxaa yeelay waxaa jira dhibaatooyin badan oo la soo gudboonaan kara awlaadda ha ahaato xagga tacliinta ama la dhaqanka bulshadda. Sababtoo ah waalidka xiriirka ubadkiisa dayaca waxaa uu la kulmi karaa is faham-waa kaga imaanaya carruurta, taasina waxay keeni kartaa dhib ku yimaadda qoyska.
Xilligan, qoysas badan ayaa wajahaya dhibaatooyin ka heysta dhanka caruurta. Mushkiladaha ka dhasha xiriir xumada ka dhaxeysa waalidiinta iyo farcankiisa/ubadkiisa waxay keeni kartaa burbur iyo fashil ku yimaada qoysaska.
Xiriirka aan wanaagsaneyn ee ka dhaxeeya waalidka iyo carruurtiisa waxaa sababi kara sida dagaal joogta ah oo qoyska dhexdiisa ah, caruurta oo aan si sax ah loogu jawaabin marka ay ka hadlaan arin ay dood ka qabaan, waalidka oo aan ka warheyn ilmihiisa wixii ku soo kordha ama uu tago iskuulka ama dugsiga. Dhaqamada noocaa oo kala ah hahdii ay bataan waxay horseedi karaan mustaqbal xumo guud iyo gaarba.
Sanadihii dambe xaaladdu aad ayay u sii xumaaneysay mararka qaar waxaa waddooyinka iyo suuqyada lagu arkayaa carruur waalidkood ku hadal celinaya balse waxaa uga sii daray baraha bulshada oo xaalka sii adkeeyay. dhibaatooyinka waxaa lagu xalin karaa in waalidku uu marka horaba carruurtiisa xiriir wanaagsan uu layeesho sida qof saaxbkiisa oo kale ah, howlaha guriga ka socdana talo laga siiyo si ay u ogaadaan in lagama maarmaan ay u yihiin guriga, sidoo kale in uu waalidku wareysto carruurta marka ay goobaha waxbarashada ka soo laabtaan.
Si uu u xoogeysto xiriirka waalidka iyo carruurta waxaa lama huraan ah in uu noqdo mid ku dhisan Jaceyl iyo aragti wadaag si looga jaanqaado waqtiga lagu guda jiro si looga dhabeeyo xigmadii Cali Bin Abii-Dhaabil- Carruurtiinna Zamanka ay noolyihiin ku koriya-, si loo helo carruur la jaanqaada waqtiga lagu jiro waxaa qasab ah in wadashaqeynta carruurta iyo waalidka la qurxiyo, ubadkana la baro waxa ay sameynayaan in Alle dartii ay u sameynayaan ama ay Alle dartiis isaga daynayaan wixii xun, taas oo meesha ka saareysa baqdin balse abuureysa/siineysa fahan ka ballaaran.