Home / MAQAALO / Abraham Lincoln, Cabdullahi Axmed Caddow Iyo Raila Odinga; Guushu Yey La Dhalatay?!

Abraham Lincoln, Cabdullahi Axmed Caddow Iyo Raila Odinga; Guushu Yey La Dhalatay?!

Muqdisho – Guuldarradu ma ahan kama dambeysta wax walba, guushuna ma ahan gaba gabada farxadda, qof walba oo guuleysta mar buu soo guuldarreystay, qof walba oo guuldareystana mar buu guuleysan, waa xikmad iyo sunno kawni ah oo uu illaahay ugu tallagalay in Bani’ aadamku sidaas ugu noolaado.

Silsiladda noocaas ah ee xarig jiidka u sameysani, dadka qaar marka ay mid dhadhamiyaan, waxa ay hilmaammaan midka kale, tusaale qofka dhadhamiya qiimaha guusha ay leedahay, inta badan waxa uu maankiisa ka xaraashaa suurta galnimada ah in mar uun guuldarro ay soo waji karto, caksiga dadka ay guuldaradu daashatay, iyagana waxa ay is iloowsiiyaan in maalmo kale ay u harsan yihiin si ay u helaan fursado kale oo u suurta gelin kara guusha iyo uuna wax kaga baran karo gaabiskii keenay guuldarrada.

Sideedaba Guushu marka la sharxayo waxaa lagu sheegaa in ay tahay caksiga guuldarrada, oo ah ku hungoobidda hadaf ama ujeeddo aad lahayd xilli hore hiigso, sida ka muuqata qayixidda micnaha guuldarradu, keliya waa hungoobid, ee ma ahan bur bur iyo dhammaadka hawshaas, sidaa darteeda qof walba oo guuldarreysta waxa uu heystaa fursad kawanaagsan midda ay heystaan dadka ku hareeraysan, maadaama uu awoodo in uu wax ka barto khaladaadkiisii iyo hafashadiisa; Si kastaba ha ahaatee, arartan waxa ay gogol dhig u tahay qormadda todobaadkan oo ku saabsan doorashadii Kenya.

Shacabka Kenya ayaa codkooda ku go’aamiyay hoggaamiyahooda xiga ee maamuli doona dalkaas Shanta sanno ee soo aaddan, waxa ayna u wakiisheen isla madaxwaynihii xilkaas hayay mudane Uhurru Kenyatta, kaas oo ku garaacay hoggaamiyaha mucaaradka mudane Raila Odinga.

Guuldarrada Raila waxa ay ka dhigan tahay in uu noqday mid kamid ah shakhsiyaadka ugu khasaaraha badan dunida siyaasadda, maadaama dhawr jeer oo horey uu ugu guuldarreystay hammigiisa siyaasadeed ee ah “Mar Uun Madaxwayne I Dhaha!”.

Marka ay halkaas mareyso, waxa aynu u baahannahay in aan dacal kale ka eegno, masraxa khasaaraha adduunka yaa fadhiya oo kujira liiskaas uu hadda galay Raila; sideedaba Aadmigu uma sinna calafka iyo nasiibka, adkeysiga iyo dulqaadku waa waxa ugu wanaagsan ee lagu hormaro, sida ay sheegaan culimmada Nafsiga (Psycologists), qof ba qofka uu ka dulqaad iyo adkeysi badan yahay ayuu ka hormarid ogyahay, sida ay xitaa diinteenna suubban inoo sheegtay, si kastaba ha ahaatee, waxa aan qoraalka todobaadkan kusoo qaadaneynaa isbarbardhig yar oo ku aaddan hoggaamiyayaal u dadaalay sida Raila Odinga oo kale kuwaas oo qaarkood ugu dambeyn hammigooda siyaasadeed ka dhabeeyay.

Marka aan joogno majaalka dhiiro gelinta, ee ay culimmada kasmadaas ay doonayaan in ay nagu dhiiro geliyaan in aannan u joogsan guuldarrada waxa ay tusaale yaal nool noogu soo qaataan, shakhsiyaad ay kamid yihiin, gabadhii yaraanta inta lagu kufsaday nolosha ka dhacday ee Oprah Winfrey oo ugu dambeyn guuleysatay, Steve Jobs oo fursad u waayay goob uu ka shaqeeyo, ugu dambeyn sameystay shirkadda caanka ah ee APPLE, Bill Gates oo dugsi diid ahaa, jaamacaddana wadi waayay, noloshiisa horeyna ahayd mid fashil ah, Thomas Edison oo Dugsiga laga soo ceyriyay maskax yari awgeed oo ugu dambeyn Laambadda aan ifisano soo saaray iyo shakhsiyaad kale, hasa yeeshee waxaa jira shakhsiyaad kale oo siyaasadda dhankeeda ah kuwaas oo khasaarooyin kabadan Raila Odinga la kulmay, qormadan se waxa aan kusoo qaadaneynaa laba qofood oo kala duwan kuwaas oo Raila kala simman dhawr jeer guul darreysashada.

Cabdullahi Axmed Caddow Iyo Abraham Lincoln, waa laba shakhsiyadood oo kala duwan kuwaas oo kala dhashay Soomaaliya iyo Mareykan ka, haddaba inta aanan u gudbin duluucda qormada, waxa aan inyar dul istaagi doonaa taariikhda labada shakhsi ee aan la barbar dhigeyno Raila Odinga.

Dabshidkii 1936-kii ayuu ku dhashay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, dhawr jeer oo kala duwan ayuu xilal kasoo qabtay dawladihii dalka soo maamulay, waxaana kamid ah xilalkii uu soo qabtay in uu soo noqday wasiirkii Maaliyadda ee Soomaaliya, sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Mareykan ka ayaa loo magacaabay dhawr jeer oo horey, si kastaba ha ahaatee wixii kadambeeyay burburkii dalka ka dhacay, Mudane Cabdullahi Caddow wuxuu go’aansaday in uu noqdo madaxwaynaha xiga ee Soomaaliya, dhawr jeer ayuu isa soo sharaxay, markii ugu horreysay waxa ay ahayd doorashadii lagu qabtay Tuulada Carta ee Dalka Jabbuuti, sannadkii 2000, markaas oo uu la tartamay Mudane Cabdiqaasin Salaad Xasan, codadkii xilligaas la tiriyay waxa uu ka keensaday 92 cod, halka guuleystihii xilligaas C/qaasin uu helay codad gaaraya 145-cod.

Si kastaba ha ahaatee taasi waxa ay ahayd niyad jabkii koobaad ee nolosha Caddow, waxaa xigay 2004-tii, xilligaas oo magaalada Nairobi ay marti soortay siyaasiyiinta Soomaalida iyo doorashadii xigtay oo Iyana ka dhacday Tuulada Imbagati ee magaalada Nairobi caasimadda dalka Kenya.

AUN Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed ayuu kula tartamay xilligaas, waxaana ugu dambeyn guuleystay Mudane Yuusuf oo ku adkaaday codad gaaraya 189-cod, halka Caddow uu keensaday 79- cod ku dhaw.

Waa hanjab kale oo uu la kulmay mudane Caddow,hal jeer haddii lagaa adkaado wax la gartay laba jeer iyadoo laga adkaaday in aad muujiso go’aan geesinimo leh waa wax dadka oo idil aysan u sinneyn, sidaa darteeda markale ayuu isku dayay in uu kasoo muuqdo masrax kale oo siyaasadeed, 2009 doorashadii dalka ee Jabbuuti ka dhacda Caddow kama qayb galin, balse 2012-kii ayuu markale si geesinimo leh uga soo muuqday, ugu dambeyn sidii caadada ahayd waa uu ku guuldarreystay.

Waxa ugu wayn ee aan ka baranneyno geeddi socodka nololeed ee mudane Caddow waa in uu ahaa qof hal adeeg baddan oo dulqaadkiisu ka badan yahay 50-jibbaar dadka caadiga ah, maadaama saddex jeer iyo wax kabadan uu guuldarreystay.

Dhanka kale waxaa jiray in madaxwaynihii hore ee Mareykan ka mudane Abraham Lincoln uu ahaa boqorka khasaaraha, inkastoo uu guuleystay ugu dambeyn haddana waxa aan hoos ku tixi doonaa dhibaatooyinkii iyo guuldarrooyinkii soo gaalay geeddi socodka noloshiisa intii uu ku jiray.

  1. Sannadkii 1818: Waxaa geeriyootay Hooyadii dhashay Abraham, waana khasaarihii koobaad ee noloshiisa
  2. Sannadkii 1816: Qoyskiisa oo sabool ahaa ayaa xoog looga guuriyay gurigooda, taas oo keentay in caqabad ay soo food saarto wiilka Rajeyga ah ee Lincoln.
  3. Sannadkii 1832 sannadkan waxaa laga soo ceyriyay shaqadiisii, wuxuuna noqday camal la’aan (Baagamuundo)
  4. Sannadkii 1832 wuxuu u tartamay guddigii sharci dajinta dalka Mareykan ka, waana lagu garaacay.
  5. Sannadkii 1833 wuxuu ku khasaaray oo shirkaddiisa ay masalaftay ganacsi uu sameystay markii uu ku khasaaray guddigii sharci dejinta.
  6. Sannadkii 1835 Xaaskiisii Ahna saaxiibtiisii qaaska ahayd (Ann Rutledge) ayaa geeriyootay.
  7. Sannadkii 1836 Waxaa ku dhacay cudur dhanka neerfaha ah, kaas oo xitaa keentay in lagu tilmaamo in uu yahay qof waalan.
  8. Sannadkii 1838- waxaa looga adkaaday xilkii uu u tartamay ee afhayeenka Baarlamaanka.
  9. Sannadkii 1843 wuxuu ku hungoobay isu sharrixiiddiisii Congress.
  10. Sannadkii 1848 wuxuu qaadday seeftii isku shaandheynta oo lama magacaabin, Congress-ka.
  11. Sannadkii 1849 codsi uu gudbistay oo ahaa in laga dhigo Abaandduulaha ciidanka dhulka Mareykan ayaa la laallay, taas oo keentay in uu madax xanuun la kulmo.
  12. Sannadkii 1854 Golaha Sanet ka ayaa lagu garaacay in uu Afhayeen u noqdo.
  13. Sannadkii 1856 Wuxuu ku hungoobay ama laga diiday in loo magacaabo madaxwayne kuxigeenka, maadaama uu codsi geystay aqalka cad.
  14. Sannadkii 1858-kii Markale ayaa lagu garaacay golaha sare

Waxaa soo dhibaato iyo guuldarro kaddib sannadkii 1860-kii ayaa loo doortay in uu noqdo madaxwaynaha waddanka Mareykan ka, taas uu ku muteystay dhibaato iyo dulqaad badan oo uu usoo maray.

Uguma tala gelin in aan iska qoro maqaalkan, ee waxa aan doonayaa in aan ugu yaraan kuu bidhaamiyo in guuldarrada aysan qofna la dhallan, halka guushuna aysan hal luuqad aqoon, taas oo aan ku taageerayo sidoo kalena ku dhiira gelinayo jamaahiirtii jidbeysnayd ee Raila Odinga, kuwaas oo mar saddex-aad, iyo mar afaraad ba ku hungoobay doorashada dalka Kenya; sidaa darteeda waxa aan ugu tallagalay sidoo kale is waafijinta shalay iyo maanta hoggaamiyayaashii dadaalka muujiyay ee dunida wax kabaddalay.

Qalinkii: Cabduwahaab Axmed Cali.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan