Himilo – Weeraryahankii hore ee England Alan Shearer ayaa saadaaliyay in khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba uu ka tagi doono kooxda xagaagan kaddib markii uu ku guuldareystay in uu soo buuxiyo filashadii laga qabay.
Cayaaryahanka qaranka dalka Faransiiska ayaa ku soo laabtay garoonka Old Trafford sannadkii 2016-ka iyada oo loo badinayo in uusan ku farraxsaneyn xaaladiisa kaddib markii uu inta badan dhaawac ku qaatay xilli cayaareedkan.
Iyada oo Man United ay ku wareersan tahay sida laga yeelayo Pogba, Shearer ayaa u sheegay The Sun “Waxaan qiyaasayaa in United yareyn doonto khasaaraheeda, islamarkaana ka dhaqaaqi doonto afar sanno oo ciqaab ah oo aysan cidna qiyaasin.”
Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan filayaa in uu dareemayo hoos u dhac yar oo ku saabsan sida wax ka noqdeen United, cid kasta ayaa ku wareersan.”
Cayaaryahankii hore ee Juventus ayaa ugu soo biiray United adduun dhan £89 Milyan, waxaana tan iyo xilligaasi lala xiriirinayay in uu u dhaqaaqi karo Real Madrid.