Himilo – Arsenal ayaa wajaheysa tartan xooggan oo kaga imaanaya AC Milan kaasi oo ku aadan la saxiixashada weeraryahanka Red Bull Salzburg ee Dominik Szoboszlai.
Laacibka reer Hungary ayaa lala xiriirinayay u dhaqaaqitaanka Emirates Stadium xagaagan, kaddib markii uu bandhig loo riyaaqay sameeyay ololihii 2019-20.
Szoboszlai ayaa sannadkii tegay dhaliyay shan gool isaga oo caawin ka geystay todobo gool markii uu naadiga u saftay 10 kulan dhammaan tartamada.
Arsenal ayaa weli la rumeysan yahay in ay daneynayaan la saxiixashada 20-jirkaan, laakiin Gazzetta dello Sport waxay ku warrameysaa in Milan sidoo kale xiiseeneyso xiddigan.
Radio Himilo
